Wararka Soomaalida
Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya weerarkii ka dhacay Nairobi Daawo Sawirada
Waxaa galabta weerar loo adeegsaday Gaari wax yaabaha qarxa ay ka buuxaan lagu qaaday Hotelka Dusit oo ku yaalla Xaafadda Westelands ee Magaalada Nairobi. Qaraxa Gaariga ka dib ayaa waxaa gudaha Hotelka galay dablay hubaysan oo ka dhex dagaa lamaya Gudaha Hotel Dusit iyadoo shacab iyo Mas,uuliyiin Dowladda Kenya ahna ay ku jiraan gudaha Hotelka. Kooxda […]
Waxaa galabta weerar loo adeegsaday Gaari wax yaabaha qarxa ay ka buuxaan lagu qaaday Hotelka Dusit oo ku yaalla Xaafadda Westelands ee Magaalada Nairobi.
Qaraxa Gaariga ka dib ayaa waxaa gudaha Hotelka galay dablay hubaysan oo ka dhex dagaa lamaya Gudaha Hotel Dusit iyadoo shacab iyo Mas,uuliyiin Dowladda Kenya ahna ay ku jiraan gudaha Hotelka.
Kooxda Al shabaab ayaana sheegtay mas,uuliyada weerarkaas galabta lagu qaaday Hotelka Dusit waxaana weerarkan uu gaystay Khasaaro iskuuga jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii lagu weeraray Hotelka Dusit.
sawiro laga soo qaaday dad Ciidamada Kenya ay ka soo badbaadiyeen weerarkan ka dhacay Hotel Dusit ee Magaalada Nairobi ayaa muujinaya in xaalad aan fiicneen ka jirto Hotel Dusit ee galabta weerarka lagu qaaday.
Ciidmada amaanka Kenya ayaa la,arkayey iyagoo si feejignaan ah ka muuqato dagaal ku wajahaya Kooxda Al shabaabka ee Hotelka Gudaha ugalay xaalada Hotel Dusit ayaa ah ilaahadda mid jahwareer uu ka taagan yahay.
Wixii ku soo kordha kala soco Tusmotimes insha, Allah.