Wararka Soomaalida
Warar dheeraad ah oo ka soo kordhay dagaalkii Ceerigaabo
Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta waxaa uu ka dhacay degmada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ka dib markii halkaas uu dagaal ku soo qaaday Jannaraal Caarre oo horay uga tirsanaa Ciidanka Maamulka Soomaaliland ka dibna ku biiray Ciidanka Maamulka Puntland iyadoo Jannaraal Caarre dhowaan uu ka goostay Maamulka Soomaaliland. Dagaalkii maanta ayaa wuxuu dhaxmaray […]
Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta waxaa uu ka dhacay degmada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ka dib markii halkaas uu dagaal ku soo qaaday Jannaraal Caarre oo horay uga tirsanaa Ciidanka Maamulka Soomaaliland ka dibna ku biiray Ciidanka Maamulka Puntland iyadoo Jannaraal Caarre dhowaan uu ka goostay Maamulka Soomaaliland.
Dagaalkii maanta ayaa wuxuu dhaxmaray Ciidamo uu hor boodayo Jannaraal Caarre iyo Ciidamada Maamulka Soomaaliland oo Ceerigaabo ku sugnaa dagaalkaas oo socday ku dhowaad labo saacadood waxaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay khasaaro labada Ciidanba soo kala gaaray.
Inta la xaqiijiyay dagaalkaas ayaa waxaa dhanka Soomaaliland ugu geeriyootay ku dhawaad saddex askari oo Ciidanka Somaliland ah.
Dhinaca kale dagaal kan la mid ah ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka la yiraahdo Dhoob oo hoos yimaada degmada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag waxaana ku geeriyootay dagaalkaas 4 ka mid ah Ciidamada Maamulka Soomaaliland sida uu sheegay qof goobjooge ah.
Ciidamada uu hor kacayo Jannaraal Caarre ilaa hadda lama sheegin khasaarahooda inta uu la egyahay.
Sidoo kale dagaalkaas ayaa waxaa ku dhaawacmay afar askari oo labada dhinac sida aan ka soo xiganay dadka deegaanka Dhoob ku sugan.
Dhaawacyada qaarkood ayaa la sheegay in la gaarsiiyay Isbitaalka guud ee degmada Ceerigaabo iyadoo askari dhaawac ah kana tirsanaa Ciidanka uu watay Jannaraal Caarre uu ka baxsaday Isbitaalka sida ay inoo sheegeen dadka warkan aan ka soo xiganay.
Geesta kale warar ayaa sheegaya in Ciidanka Maamulka Somaliland ay Gaari iyo ciidan tiradooda lagu sheegay toddoba ay ka qabsadeen Ciidanka Jannaraal Caarre ee dagaalka ku soo qaaday Maamulka Soomaaliland sida Wargayska Tusmotimes usheegay mid ka mid ah shacabka Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.