Wararka Soomaalida

Warar horleh oo ka soo baxaya afgambigii dhicisoobay dalka Itoobiya

Shalay galab Gobolka ay degan yihiin Amxaarada ee dalka Itoobiya ayaa waxaa ka dhacay Afgambi dhicisoobay ka dib markii la isku dayay in qaab milatiri lagu qabsado Gobolka Waqooyi ee Amxaarada degto. Rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay Gobolkaas waxaana wararka hadda la xaqiijiyay ay sheegayaan in Madaxweynihii Maamulka Amxaarada iyo Taliyihii guud […]

Published

on

Shalay galab Gobolka ay degan yihiin Amxaarada ee dalka Itoobiya ayaa waxaa ka dhacay Afgambi dhicisoobay ka dib markii la isku dayay in qaab milatiri lagu qabsado Gobolka Waqooyi ee Amxaarada degto.

Rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay Gobolkaas waxaana wararka hadda la xaqiijiyay ay sheegayaan in Madaxweynihii Maamulka Amxaarada iyo Taliyihii guud ee Ciidanka Itoobiya ee Gobolkaas Jannaraal Seare Mekonnen lagu dilay rabshadaha sida ay sheegayaan wararka rasmiga ah ee ka imaanaya halkaasi.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo war ka soo saaray xafiiskiisa ayaa waxaa uu xaqiijiyay in Madaxweynihii Maamulka Amxaarada iyo Taliyihii guud ee Ciidanka Gobolka Amxaarada ay ku dhinteen rabshadahaas ka dhacay Waqiyiga Itoobiya.

Dr Abiy Axmed ayaa sheegay in toogasho lagu dilay Madaxweynihii Maamulka Amxaarada iyo Taliyihii guud ee Ciidanka Itoobiya ee Gobolkaas ka dib markii meleeshiyo hubaysan meel sare ay ka soo toogteen.

Rabshadahan ayaa waxay ka dhaceen Magaalada Bahir Dar oo ah caasimadda Maamulka Amxaarada iyadoo mar qura Ciidamo wata gaadiid gaashaaman laga war helay inay ku hareeraysan yihiin Bahir Dar.

Warka qoraalka ah ee ka soo baxay Ra’iisul wasaarah Itoobiya ayaa wuxuu ku cambaareeyay afgambiga dhicisoobay iyo toogashadii lagu dilay Madaxweynihii iyo Taliyihii guud ee Ciidanka Itoobiya ee Gobolkaas Jannaraal Seare Mekonnen,sidoo kale Ra’iisul wasaaraha wuxuu sheegay in lagu soo xadgudbay madaxbanaanida shacabka iyo Dastuurka Itoobiya.

Waxaa kale uu digniin u diray kooxihii horboodayay xasaradahaasi isaga oo carabka ku dhuftay in xukuumaddiisa ay ka qaadi doonto tallaabo adag.

Dhinaca kale war ka soo baxay xisbiga maamula gobolka Amxaarada ayaa dhacdadan ku eedeeyey Taliyihii hore ee ammaanka kaas oo Ra’iisul wasaarah Itoobiya xabsiga ka saadaayay bilo ka hor markuu xukunka uu qabtay.

Xaaladda ayaa hadda dagan hayeeshee waxaa heegan buuxa ku jira qeybaha kala duwan ciidamada federaalka ee dowladda Itoobiya.

Abiy Axmed ayaa tan iyo markii 2018-kii loo doortay xilkan waxa uu isbedal weyn ku sameeyay siyaasadda Itoobiya waxaana uu soo afmeeray kacdoono farabadan oo ka jiray dalka Itoobiya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version