Wararka Soomaalida
Warar horleh oo ka soo baxaya Qaraxii Jubbada hoose
Wararka naga soo gaaraya degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in qaraxii saaka aroortii hore ka dhacay inta udhaxaysa Kismaayo iyo Dhoobley ay ku nafwaayeen ku dhowaad 10 qof halka dhaawacana uu gaarayo 12 qof sida aan ka soo xiganay qaar ka mid ah shacabka Jubbada hoose. Qaraxaas ayaa wuxuu ahaa Miinada nooca […]
Wararka naga soo gaaraya degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in qaraxii saaka aroortii hore ka dhacay inta udhaxaysa Kismaayo iyo Dhoobley ay ku nafwaayeen ku dhowaad 10 qof halka dhaawacana uu gaarayo 12 qof sida aan ka soo xiganay qaar ka mid ah shacabka Jubbada hoose.
Qaraxaas ayaa wuxuu ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso waxaana haleeshay Gaari ay la socdeen dad shacab ah oo ubadnaa Caanolay islamarkaana Caano uwaday degmada Dhoobley sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka ay wax ka dhaceen ku sugan.
Dadka dhaawaca ah ayaa hadda xaaladooda waxaa lagula tacaalayaa Isbitaal ku yaala degmada Dhoobley oo ku taala xadka kala qeebiya Soomaaliya iyo Kenya kana tirsan Gobolka Jubbada hoose ee Soomaaliya waxaana wararka intaas ku darayaan in qaar ka mid ah dadka qaba dhaawacyada xaaladooda aad uliidato laakiin dadaal xoogleh ay ku bixinayaan Dhaqaatiirta si Alle ka sokow naftooda u badbaadiyaan.
ilaa hadda lama oga Miinadaas cida waddada ugelisay dadkaas shacabka ah iyadoo Aalaaba ficiladaan loogu bartay Kooxda Al shabaab.