Wararka Soomaalida

Warar kala duwan oo ka soo baxaya qarax ka dhacay Muqdisho

Qarax ayaa barqadii maanta ka dhacay barkoontarool oo ku taala KM 4 ee magaalada Muqdisho waxaana wararka bor dhaca ah ee soo baxaya ay sheegayaan in khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh uu gaystay qaraxaas. Inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyootay 4 ruux halka dhaawacana uu gaarayo ilaa 12 qof sida uu inoo sheegay mid ka […]

Published

on

Qarax ayaa barqadii maanta ka dhacay barkoontarool oo ku taala KM 4 ee magaalada Muqdisho waxaana wararka bor dhaca ah ee soo baxaya ay sheegayaan in khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh uu gaystay qaraxaas.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyootay 4 ruux halka dhaawacana uu gaarayo ilaa 12 qof sida uu inoo sheegay mid ka mid ah dadka ku ganacsada dadka ku sugnaa meesha ay wax ka dhaceen.

Gaariga ku qaraxay KM 4 ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa gaari uu watay qof naftiisa halige ah halka warkale uu sheegayo in gaariga uu ahaa gaari la dhigay meesha uu ku qaraxay.

Wixii ku soo kordha waa inoo hadhow insha allah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version