Wararka Soomaalida
Wararkii ugu dambeeyay weerarkii Hotel Cas-caseey
Wararkii ugu dambeeyay weerarkii Hotel Cas-Caseey ee magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in wali gudaha Hotelka rasaas iyo bambaanooyin ay ka soo tuurayaan kooxda Al shabaab ee weerarka ku qaaday hotelkaas ka dibna ugudaha ugalay dhismaha Hotelka. Shacabka ku nool magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inay wali maqlayaan dhawaqa rasaasta labada dhinac isu adeegsanayaan ee ka dhacaysa […]
Wararkii ugu dambeeyay weerarkii Hotel Cas-Caseey ee magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in wali gudaha Hotelka rasaas iyo bambaanooyin ay ka soo tuurayaan kooxda Al shabaab ee weerarka ku qaaday hotelkaas ka dibna ugudaha ugalay dhismaha Hotelka.
Shacabka ku nool magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inay wali maqlayaan dhawaqa rasaasta labada dhinac isu adeegsanayaan ee ka dhacaysa hotel Cas-Caseey ee Magaalada Kismaayo.
Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo AMISOM ayaa ku hareeraysan dhismaha Hotelka iyadoo Ciidamadaas huwanta ah ay ka badbaadiyeen kooxdaas cadawga ah dad farabadan oo iskuuga jira Xildhibaano,siyaasiyiin iyo shacab oo intuba deganaa hotelka ka dib markii ay ku go,doomeen dhismaha hotelka.
Saraakiisha Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa sheegay in la dilay qaar ka mid ah kooxda Al shabaab ee caawa maqribkii weerartay hotel Cas-Caseey ee Magaalada Kismaayo inta dhumana ay ku dadaalayaan sidii ay usoo afjari lahaayeen.
Wali faafaahin rasmi ah lagama helin tirada dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay weerarkaas war hadda soo dhacay ayaase sheegaya in 12 qof la xaqiijiyay dhimashadooda halka dhaawaca inta Ibitaalada la geeyay ay gaarayaan 17 qof oo ubadan dadkii ku sugnaa Hotelka.