Wararka Soomaalida

Wararkii ugu dambeeyey Qaraxyadii Muqdisho

wararkii ugu dambeeyey ee aan ka helayno meeshii caawa la weeraray ayaa sheegaya in la soo afjaray dagaalkii kooxda dhalinyarada Al shabaabka ah ee bilowgiiba qabsaday labada dhismo ee Hilaac UK iyo Makah Al Mukaramah ka dib Ciidamada dowladda oo gudaha dhismiyaashaas udaatay. Afartii dhalinyaro ee hubaysnaana toogasho lagu dilay in kastoo wali aysan ka […]

Published

on

wararkii ugu dambeeyey ee aan ka helayno meeshii caawa la weeraray ayaa sheegaya in la soo afjaray dagaalkii kooxda dhalinyarada Al shabaabka ah ee bilowgiiba qabsaday labada dhismo ee Hilaac UK iyo Makah Al Mukaramah ka dib Ciidamada dowladda oo gudaha dhismiyaashaas udaatay.

Afartii dhalinyaro ee hubaysnaana toogasho lagu dilay in kastoo wali aysan ka hadlin laamaha amniga Muqdisho soo gaba gabaynta howlgalka ka socda labada Hotel.

Dhina kale warar ayaa sheegay in Ciidamada dowladda Soomaaliya ee iskuuga jira Booliis,Nabad sugid iyo Alfa Group wali kula dagaalamayaan kooxihii qabsaday dhismiyaasha dhaadheer ee Hilaac UK iyo Makah Al Mukaramah.

Dhawaqa rasaasta ayaa wali laga maqlaya jihada labadaas dhismo ay ku yaalaan waxaana mararka qaar dhacaya Qaraxyo sidaas u waa weyneyn waxayna u muuqaataa in wali kooxihii ay maamulayaan dhismiyaashaas.

Sawir laga soo qaaday dhismaha Hotelka Makah Al Mukaramah ayaa muujinaya in burbur xoogleh uu gaystay Qaraxa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version