Wararka Soomaalida

Wariyaal caan ah oo ku geeriyooday weerarkii Hotel Cas-casey+Sawiro

Weerarkii caawa maqribkii lagu qaaday Hotel Cas-Casey ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa soo baxaya khasaaro xoogan inuu geystay weerarkaas oo ahaa mid ismiidaamin ah oo markii hore lagu qaaday hotelka. Hotel Cas-Casey oo Magaalada Kismaayo kaga yaala dhinaca bare ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen ugu yaraan 34 qof halka […]

Published

on

Weerarkii caawa maqribkii lagu qaaday Hotel Cas-Casey ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa soo baxaya khasaaro xoogan inuu geystay weerarkaas oo ahaa mid ismiidaamin ah oo markii hore lagu qaaday hotelka.

Hotel Cas-Casey oo Magaalada Kismaayo kaga yaala dhinaca bare ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen ugu yaraan 34 qof halka dhaawaca uu intaas kabadan yahay iyagoo dadkaas iskuuga jira siyaasiyiin xilal ka hayay dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo kuwo horay xilal usoo qabtay.

Sidoo kale dadka ku dhintay weerarkaas ayaa waxaa ka mid ah labo Wariye oo caan ah laguna kala magacaabo Hodan Naaleeye iyo Maxamed Sahal Cumar (Gacmadheere) warku wuxuu intaas ku darayaa in Wariye Hodan Naaleeye iyo Saygeeda oo mar wasiir ka soo moqday Maamulka Jubbaland ku geeriyoodeen gudaha Hotelka.

Hodan Naale ayaa caan ka ahayd baraha bulshada sida Facebook iyo Twitter-ka waxaana la soo shaqaysay warbaahin farabadan oo Afka soomaaliga ku hadla iyadoo ka mid ahayd wariyaashii dibadda ucararay hadda waxay deganayd dalka Canada iyadoo labadii bilood ee la soo dhaafay iyada iyo saygeeduba ay ku sugnaayeen Magaalada Kismaayo.

Wariyahan lagu magacaabo Maxamed Sahal Cumar ayaa la sheegay inuu la shaqaynayay hadda Telefishinka SBC oo xaruntiisu ay tahay Magaalada Garowe ee Maamulka Puntland.

Maxamed Sahal Cumar ayaa waxaa uu ka mid ahaa Wariyaasha ugu caansay deegaanada Maamulka Jubbaland.

Hotel Cas-Casey ee Magaalada Kismaayo weerarkii caawa lagu qaaday ayaa waxaa mas,uuliyadiisa sheegtay kooxda Al shabaab iyagoo sheegay in weerarkaas ay ku dileen saraakiil iyo madax sida ay warka u dhigeen Maleeshiyada Al shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version