Wararka Soomaalida
Wariyaal iyo xubno sare Al shabaab ah oo duqeyn lagu dilay sidoo kale duqeyn lagu burburiyey xarunta Radio Andulus
Wararka naga soo gaaraya Degmada Bu,aale ee Gobolka Jubbada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in Caawa fiidkii duqeyn lagu dilay Wariyaal ka tirsanaa Kooxda Al shabaab iyo xubno sare oo isla kooxdaas ka mid ah. Warku wuxuu intaas Ku darayaa in sidoo kale laburburiyey xarunta Idaacadda ku hadasha Afka Al shabaab ee la yiraahdo Radio […]
Wararka naga soo gaaraya Degmada Bu,aale ee Gobolka Jubbada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in Caawa fiidkii duqeyn lagu dilay Wariyaal ka tirsanaa Kooxda Al shabaab iyo xubno sare oo isla kooxdaas ka mid ah.
Warku wuxuu intaas Ku darayaa in sidoo kale laburburiyey xarunta Idaacadda ku hadasha Afka Al shabaab ee la yiraahdo Radio Andulus ee ka howlgasha Degmada Bu,aale ee Gobolka Jubbada dhexe.
War si wadajir ah ay u soo saareen Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ee ka howlgala Gobolada Jubbooyinka iyo Taliska Maraykanka qayb tooda Africom ee ka howlgala Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntan Caawa ka dhacday Bu,aale jab iyo Khasaare weyn lagu gaarsiiyey Kooxda Al shabaab.
Taliyaha qeybta 43-Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) oo ka hadlay duqeyntan Caawa ka dhacday Bu, aale ayaa sheegay in ciidamada xoogga Dalka iyo kuwo Maraykan weerar duqeyn iyo mid toos ah ka fuliyeen gudaha Degmada Bu’aale ee Jubbada dhexe.
Sidoo kale General Bogmadow ayaa intaas ku daray warkiisa in meelaha la weeraray ay ku jirtay xarunta Idaacada Andaluus oo ku hadasha Afka Maleeshiyada Al shabaab.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in weerarkaasi ay ku dileen 15 Xubnood oo ka tirsan Al-shabaab iyo Afar ka mid ah Wariyaasha Al-shabaab ka tirsan isla markaana Agabkii Idaacadaas Andulus lagu burburiyay duqeyntaas.