Wararka Soomaalida

Wariyaasha Muqdisho oo loo diiday xaruntii wararka ku kala qaadan jireen

Published

on

Wariyaasha ka howlgala xarumaha warbaahinada Muqdisho sida Idaacadaha iyo TV-yada ku yaala Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga mamnuucay inay qalab warbaahin la soo galaan xarunta Hooyooyinka ka dib amar maanta ka soo baxay Taliyaha Saldhiga Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Xarunta loo diiday Suxufiyiinta inay la soo galaan agabkooda shaqo ee warbaahineed ayaa waxay tahay maqaayada la yiraahdo The Village ee ku taala Guriga Hooyooyinka ee ka soo horjeeda xarunta Tiyaatarka Qaranka iyadoo Wariyaasha xaruntan u,ahayd meel intabadan iskuugu yimaadaan oo wararka maalintaas ka jira magaalada ku kala qaataan.

Amarkan lagu soo rogay Saxafiyiinta ayaa qeexaya in wariyaasha haba yaraatee qalab warbaahin Maqal iyo Muuqaal toona loo ogolayn inay gudaha maqaayada ula sii gudbaan waxaana lagu amaray in wariyihii doonaya in gudaha ugalo maqaayada The Village soo maro baaritaan haddii lagu helo qalab warbaahin lagu amrayo inuu iska soo dhigo ka dib ugudbo gudaha xarunta.

Qaar ka mid ah Saxafiyiinta saaka laga celiyay xarunta maqaayada The Village oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in caqabadan ka soo bilaabatay xarunta Golaha Baarlamanka oo gabi ahaanba laga mamnuucay bahda Saxaafadda inay warar ka soo qaadaan haddana tan loogu xijiyay arintaana dhankooda ku tahay culays shaqo oo ay saarayso bahda Saxaafadda dowladda federaalka Soomaaliya.

Trending

Exit mobile version