Wararka Soomaalida

Wariye Cabdimaalik Coldoon iyo Saxafiyiin la socotay oo lagu xiray Magaalada Jigjiga

Suxufiga Cabdimaalik Muuse Coldoon iyo qaar kale oo Wariyaal ah ayaa dhowaan gaaray Magaalada Jigjiga ee ismaamulka Soomaalida dhulka Itoobiya si halkaas ay Barnaamijyo iyo Warar uga soo sameeyaan Tacadigii ka dhacay Magaalooyinka Gaashaamo iyo Jigjiga ee ay ku kaceen Ciidamada Liyuu Boolis ee Ismaamulka Soomaalida intii talada Maamulkaas uu hayey Cabdi Maxamuud Cumar Tacadiyadaas […]

Published

on

Suxufiga Cabdimaalik Muuse Coldoon iyo qaar kale oo Wariyaal ah ayaa dhowaan gaaray Magaalada Jigjiga ee ismaamulka Soomaalida dhulka Itoobiya si halkaas ay Barnaamijyo iyo Warar uga soo sameeyaan Tacadigii ka dhacay Magaalooyinka Gaashaamo iyo Jigjiga ee ay ku kaceen Ciidamada Liyuu Boolis ee Ismaamulka Soomaalida intii talada Maamulkaas uu hayey Cabdi Maxamuud Cumar Tacadiyadaas uu dhacay.

Wariyaha Cabdimaalik Muuse Coldoon iyo Wariyaasha la socda ayaa markii ay gaareen Jigjiga soo dhaweyn usameeyay Maamulka cusub ee Madaxweynaha uu ka yahay Mustafa Cagjar iyagoo usheegay Coldoon iyo Kooxda Saxafiyiinta ah ee la socda ujeedka ay ka doonayaan deegaanada Soomaalida sida aan Wararka ku helnay kadibna loo ogolaaday.

Cabdimaalik Muuse Coldoon iyo Saaxiibadiisa ayaa maalmo ka hore tagay Degmada Gaashaamo si ay usoo hubiyaan xaalada Gaashaamo iyo suurta galnimada qabsoomida ujeedkooda.

Warar hadda soo baxaya ayaa sheegaya in Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon iyo Wariyaashii la socdayba Xabsiga ay dhigeen Ciidamada Liyuu Boolis ee ku sugan Gaashaamo sida ay sheegayaan Wararka uga badan ee halkaas ka imaanaya.

Axmed Warsame Cabdulle waxaa uu ka mid yahay Odayaasha Gaashaamo ku nool waxaa uu saxaafadda u sheegay in Cabdimaalik Coldoon iyo Saxafayiintii la socotayba ay ka xaysteen Ciidamada Liyuu Boolis War intaas ka dheeraad ahna ma,uusan bixinin Odigan lahadlay Saxaafadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version