Wararka Soomaalida

Wariye Cabdimaalik oo xukun adag lagu riday

Maxkamad ku taala Magaalada Hargaysa ee xarunta Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ahna xarunta Maamulka Soomaaliland ayaa maanta Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ku xuntay 3 sano iyo lixbilood oo xarig ah ka dib markii lagu helay dambi ah inuu aflagaadeeyay  Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Iskuulka Abaarso ee ku yaala Hargaysa. Wareiye Cabdimaalik Muuse […]

Published

on

Maxkamad ku taala Magaalada Hargaysa ee xarunta Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ahna xarunta Maamulka Soomaaliland ayaa maanta Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ku xuntay 3 sano iyo lixbilood oo xarig ah ka dib markii lagu helay dambi ah inuu aflagaadeeyay  Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Iskuulka Abaarso ee ku yaala Hargaysa.

Wareiye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa dhowr jeer sidaan oo kale loogu xuray Magaalada Hargaysa ka dib markii uu wax ka sheegay Mamaulka Soomaaliland iyo Hay’adaha Maamulkaas habka shaqo ee ay wax uwadaan.

Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa ma’uuliyiinta Maamulka Soomaaliland ku eedeeyay inuu ka soo horjeedo qadiyadda Maamulkaas uu dagaalka ugu jira isagoo sidoo kale lagu eedeeyay inuu ujanjeero dhanka Gobolada Koonfureed iyo sidoo kale midnimada Soomaali weyn.

Wariyahan ayaa waxaa Magaalada Hargaysa lagu xiray 4-tii bishii soon ee la soo dhaafay ilaa maanta oo laga xukumana ku xirnaa xabsigaas Hargaysa ku yaala.

Xukunkan maanta lagu riday Wariy Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa waxaa uu noqonayaa abid xukunkii ugu dheeraa ee lagu riday tan iyo intii Maamulkaas ay xirayeen Waryahan caanka ka ah deegaanada Soomaaliland.

Madaxda Maamulka Soomaaliland ayaa aad unecab qofkii wax ka sheega Hay’adaha Maamulkaas iyo sidoo kale ka hadla ama laga dareemo inuu ujanjeero dhanka Koonfurta Soomaaliya ka dibna Xabsiga dhiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version