Somali News
Wariye Cabdirisaaq Catoosh oo shaqada Laanta af-Soomaaliga ee BBC ku soo laabanaya
Wariye Cabdirisaaq Catoosh ayaa 1-da bisha Oktobar, 2019, dib ugu soo laaban doono laanta af-Sooomaaliga ee BBC.
Wariye Catoosh ayaa muddo sannad ah fasax ku maqnaa. Waxaa uu dib u billaabi doonaa inuu tebiyo barnaamijyada raadiyaha ah ee BBC.
Catoosh ayaa ah wariye leh khibrad 20 sanno ka badan, waxaa uuna shaqada ku soo laabanayaa dhowr bilood kaddib markii dhamaan barnaamijyada Soomaaliga ee raadiyaha laga soo wareejiyay London oo loo soo wareejiyay bariga Afrika iyo magaalada Nairobi.
Cabdullaahi Cabdi Sheekh oo ah Madaxa Laanta af-Soomaaliga ee BBC-da oo isagau ku dhawaaqay shaqo ku soo noqoshadda Wariye Catoosh ayaa yiri, “Catoosh waa weriye caan ah, oo ay aad u yeqaanaan dhageystayaasha, waxaana farxad noo ah in uu dib ugu soo laaban doono hawada. Waxaan rajeynaynaa in soo laabashadiisa ay sare u qaadi doonto sida ay dhageystayaasha ula falgalaan wararkeena. Waxaa kale oo aan rajeynaynaa in firfircooni dheeri ah uu ku soo biirin doono weriyayaasha Nairobi ee aadka u fiican,”
Xigashadda Sawirka: Abdirizaq Atosh (Facebook)