Wararka Soomaalida

Wariye dhawaan ku dhaawacmay Qarax oo qalliin lagu sameeyey+sawiro

Wariye Maxamed Ibraahim Biibaaye oo ka tirsan TVGA iyo Radio Muqdisho ee ku dhaawacmay qaraxii dhawaan ka dhacay Degmada Xamarweyne ayaa maanta waxaa lagu sameeyey qalliinkii ugu horeeyey. Qalliinkaas lagu sameeyey Wariye Biibaaye ayaa waxaa la sheegayaa in uu qaatay muddo ka badan saddex saacadood wuxuuna ku saabsanaa qalliinkaas isha midig korkeeda ka dib markii […]

Published

on

Wariye Maxamed Ibraahim Biibaaye oo ka tirsan TVGA iyo Radio Muqdisho ee ku dhaawacmay qaraxii dhawaan ka dhacay Degmada Xamarweyne ayaa maanta waxaa lagu sameeyey qalliinkii ugu horeeyey.

Qalliinkaas lagu sameeyey Wariye Biibaaye ayaa waxaa la sheegayaa in uu qaatay muddo ka badan saddex saacadood wuxuuna ku saabsanaa qalliinkaas isha midig korkeeda ka dib markii uu ka galay firir qaraxii Xamarweyne.

Wararka ku saabsan Suxufigan ayaa sheegaya in uu udhiman yahay qalliin labaad isbuucan gudihiisa sida laga soo xigtay dhaqtarka qalliinkan ku sameeyey Wariyahan.

Maxamed Ibraahim Biibaaye ayaa qaraxaas waxaa ka soo gaaray dhaawac lug,gacan iyo Isha sida ka muuqataba dhaawaca Wariyahaas.

Ehelada Wariyahan dhaawaca ah ayaa sheegtay in xaaladiisa ay degantahay markii laga reebo xoogaa xanuun ah oo uu dareemayo maadaama uu yahay qof dhaawacmay ah.

Waxaana Maxamed Ibraahim Biibaaye lagu dabiibayaa mid ka mid ah Isbitaalada sida gaarka ah ay u maamusho Dowladda federaalka Soomaaliya ee ku yaala Magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version