Wararka Soomaalida
Wariye Guhaad oo Gudoomiye loo magacaabay
Gudoomiyaha degmada Xamar Jajab ayaa waxaa loo magacaabay Guhaad Sheekh Xasan oo ka mid ahaa Wariyaasha ka shaqeeya Idaacadda ku hadashay afka Maamulka Gobolka Banaadir ka dib warqad ka soo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ENG Yariisow. Gudoomiyahan cusub ee hadda loo magacaabay degmada Xamar Jajab ayaa Idaacadda ku […]
Gudoomiyaha degmada Xamar Jajab ayaa waxaa loo magacaabay Guhaad Sheekh Xasan oo ka mid ahaa Wariyaasha ka shaqeeya Idaacadda ku hadashay afka Maamulka Gobolka Banaadir ka dib warqad ka soo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ENG Yariisow.
Gudoomiyahan cusub ee hadda loo magacaabay degmada Xamar Jajab ayaa Idaacadda ku hadasha Afka Maamulka Gobolka Banaadir ka ahaa Tifaftire wuxuuna bedelayaa Ismaaciil Mukhtaar Cumar Oronjo oo shalay xilkii Gudoomiye ee degmadaas laga qaaday.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa bilaabay shaqo cusub ka dib markii wax qabadka Gudoomiyaasha degmooyinka qaar ee Gobolka Banaadir gaabis ku yimid iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in Gudoomiyaal kalana usha ku dhici doonto sida aan xogta ku maqalanay.
Gudoomiyihii hore ee degmada Xamar Jajab Ismaaciil Mukhtaar Cumar Oronjo ayaa horay u,ahaa Wariye ka howl geli jiray Idaacadda ku hadasha afka dowladda Radio Muqdisho iyo Television-ka isla dowladda ee SNTV iyadoo hadda degmadaas loo magacaabay isla Wariye kale oo ka mid ah Wariyaasha ushaqeeya dowladda kana howl gelayay Idaacadda ku hadasha afaka Maamulka Gobolka Banaadir Guhaad Sheekh Xasan.