Wararka Soomaalida
Wariye ka mid ah warbaahinta Dowladda oo ku dhaawacmay Qaraxii Muqdisho
Weerarkii qaraxa loo adeegsaday ee ka dhacay Maqaayad ku taala Degmada Xamar weyne ayaa waxaa ku dhaawacmay Wariye Maxamed Ibraahim Biibaawe oo ka mid ah Wariyaasha Radio Muqdisho. Wariyahan ayaa waxaa dhaaciisa uu yahay mid fudad sida ay inoo sheegeen qaar ka mid ah ehelada wariyahaas waxaana la dhigay Isbitaal gaar ah oo ay leedahay […]
Weerarkii qaraxa loo adeegsaday ee ka dhacay Maqaayad ku taala Degmada Xamar weyne ayaa waxaa ku dhaawacmay Wariye Maxamed Ibraahim Biibaawe oo ka mid ah Wariyaasha Radio Muqdisho.
Wariyahan ayaa waxaa dhaaciisa uu yahay mid fudad sida ay inoo sheegeen qaar ka mid ah ehelada wariyahaas waxaana la dhigay Isbitaal gaar ah oo ay leedahay Dowladda federaalka Soomaaliya.
Saxafiga Maxamed Ibraahim Biibaaye ayaa dhaawaca wuxuu ka soo gaaray lug iyo gacan xaaladiisuna hadda ay tahay mid soo hagaagaysa.