Wararka Soomaalida

Wariye Saalax Kalgacal oo howshii shaqo dib ubilaabay

Published

on

Wariye Saalax Cumar Faarax (Saalax Kalgacal) ayaa wuxuu ka mid ahaa wafdi kolonyo gawaari ah oo uu la socday Gudoomiyaha degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose Cabdullaahi Cali Axmed Waafow ka dibna qarax Miino dhulka ah kula qaraxday inta udhexaysa degmooyinka Marka iyo Qoryooley ee gobolka Shabeelaha hoose xili ay galbinayeen Ciidamo markii hore Marka loo keenay inay sugaan amniga Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo waqtigaas booqasho ku joogay Magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose.

Saalax Cumar Faarax (Saalax Kalgacal) ayaa qaraxaasi oo dhacay 15-kii bishii September waxaa ka soo gaaray Dhaawac dhinaca gacanta ah muddo bil ah ayuu ku jiray xarun caafimaad oo lagu dhabiibayay maanta ayuu dib ugu laabtay xaruntii warbaahin ee uu ka shaqaynayay ka dib caafimaadkiisa oo soo hagaagay.

Qaraxaasi uu ku dhaawacmay Wariye Saalax Kalgacal ayaa waxaa ku dhintay Taliye Ciidan iyo Gudoomiye ka mid ahaa maamulka Shabeelaha hoose iyo askar ka mid ahayd kuwii loo galbinayay degmada Qoryooley balse waxaa ka badbaaday Gudoomiyaha degmada Marka Cabdullaahi Cali Axmed Waafow.

“Isku soo noqod wanaagsan asxaabteyda, hal bil ka dib dhaawacii iga soo gaarey duleedka Shalambood, Alle ayaa ku mahadsan iga badbaadiyey dhacdadaas, Dhalanyardii ku geeriyootey Allah ka waraabiyo Janada kuwa weli la il daran dhibaatada Qaraxa Allah u booga dhayo,waxaan si xushmad leh ugu Mahadcelinayaa dadkii ii gurmadey iyo kuwii ka damqadey ama ka xanuunsaday qadarta i asiibtay Cadowga dhagar walba uu adeegsado waxaa ka weyn ku kalsonaanshiyaha Alle”ayuu yiri Wariye Saalax Kalgacal oo ka soo bogsooday dhaawicii soo gaaray.

Wariye Saalax Cumar Faarax (Saalax Kalgacal) ayaa intabadan wuxuu xoogga saaraa in warar iyo barnaamijyo ka sameeyo bulshada dhiban ee shabeelaha hoose ee iskuugu darsamay colaad iyo abaaro dhowr iyo 10-kii sano ee la soo dhaafay la daaladhacaya.

Xaalada amaan ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa ah mid aad uxun iyadoo kooxda Al shabaab wadooyinka Miinooyin ugu aasaan mas’uuliyiinta gobolkaasi, Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala Shabeelaha hoose.

Trending

Exit mobile version