Wararka Soomaalida

Wariye waxbadan soo shaqeeyey oo loo magacaabay Tiyaatarka Qaranka

Ka dib markii xilikii laga qaaday Maareeyihii xarunta Murtida iyo Madadaalada Tiyaatarka Qaranka Cismaan Cabdulaahi Guure ayaa waxaa loo magacaabay xilkaas Maxamed Abuukar Axmed Ma,da oo ah Wariye waxbadan ka soo shaqeeyey xarumo Idaacadeed oo ku yaala Magaalada Muqdisho. Wasiirka War faafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geele ayaa Maareeyaha xarunta Murtida iyo Madadaalada Qaranka ee Tiyaatarka […]

Published

on

Ka dib markii xilikii laga qaaday Maareeyihii xarunta Murtida iyo Madadaalada Tiyaatarka Qaranka Cismaan Cabdulaahi Guure ayaa waxaa loo magacaabay xilkaas Maxamed Abuukar Axmed Ma,da oo ah Wariye waxbadan ka soo shaqeeyey xarumo Idaacadeed oo ku yaala Magaalada Muqdisho.

Wasiirka War faafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geele ayaa Maareeyaha xarunta Murtida iyo Madadaalada Qaranka ee Tiyaatarka umagacaabay Maxamed Abuukar Axmed Mad,da ka dib markii si deg deg ah xilikii looga qaaday Milkiilaha Idaacadda Kulmiye Cismaan Cabdulaahi Guure ahaana Maareeyihii Tiyaatarka Qaranka.

Sababta xilka looga qaaday Guure ayaa waxay tahay ka dib markii Idaacaddiisa Kulmiye maanta ay sheegtay war ku saabsan xilka qaadis lagu samaynayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khahre warkaas ay baahisay Idaacadda oo markii dambe been noqday.

Maareeyaha cusub ee Tiyaatarka Qaranka Maxamed Abuukar Ma,da ayaa wuxuu ku soo caanbaxay Idaacaddii Horn Afric la,oran jiray markii ay qaateen Al shabaab idaacadaas sanadkii 2009kii ayuu usoo wareegay Warbaahinta Qaranka Maxamed Abuukar Ma,da.

Waxaa mar loo magacaabay Tifaftiraha Radiyaha iyo Telefionka Qarankan muddo sanado ah  markii xilkaas uu hayey ayaa laga qaaday iyadoo wixii intaas ka dambeeyey uu ahaa Wariye ka tirsan warbaahinta Qaranka Barnaamijyada iyo wararkana wax ka qabta.

Maxamed Abuukar Axmed Ma,da dhinaca kale waa qoraa dhanka fanka iyo Suugaanta wuxuuna ka mid yahay gudi ka shaqeeya arrimaha horumarinta Afka Soomaaliga iyo wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed.

Hadda oo ugu dambaysay ee xilkan Maareeyaha loo magacaabay wuxuu ka qabanjiray Telefionka Qaranka Barnaamij Todobaadle ah kaasoo toos uga baxa Telefionka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version