Wararka Soomaalida
Warta Biyo qabadka leh ee Boondheere oo shaqo laga qabtay+sawiro
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan iyo gudoomiyaha degmada Boondheere ayaa maanta xariga ka jaray dib udayac tirka Warta Biyo qabadka leh ee degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ka dib markii ay ka buuxsameen Wartaas Qashin iyo Ciid taasoo dhibaato weyn u keenta Bulshada degmadaas xili roobaadka. Shacabka Boondheer,Maamulka degmada iyo kan […]
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan iyo gudoomiyaha degmada Boondheere ayaa maanta xariga ka jaray dib udayac tirka Warta Biyo qabadka leh ee degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ka dib markii ay ka buuxsameen Wartaas Qashin iyo Ciid taasoo dhibaato weyn u keenta Bulshada degmadaas xili roobaadka.
Shacabka Boondheer,Maamulka degmada iyo kan Gobolka Banaadir oo iskaashanaya ayaa maanta howlo nadiifin ah ka bilaabay Warta Biyo qabadka leh ee degmada Boondheere maadaama lagalay waqtigii roobka.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhismaha Warta Biyo qabadka leh ee Degmada uu ku yimid wadatashi bulshada deegaanka lala yeeshay si baahidooda wax looga qabto iyagoo codsaday in loo dhiso xarunta biyo qabadka oo xili roobaadka dhibaatooyin badan ay kala kulmaan shacabka degmadaas ku nool.
“Markii aan wadatashi la sameynay shacabka degmada Boondheere waxay naga codsadeen in loo dhiso xarunta Biyo qabadka degmada bacdamaa ay sanad walba xili roobaadka dhibaatooyin kala duwan ka soo gaaraan shacabka,anagoo tixgelineyna codsiga shacabka ayaan dib-u-dhisnay Warta si biyaha ugu hakadaan, maantana waxay u diyaarsan tahay Warta in aysan biyaha gudbin oo ay ceshato”ayuu yiri Godoomiyaha Gobolka Banaadir ENG Yariisow oo Warta gudaheeda kula hadlay Saxaafadda.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in biyo qabadka la balaariyey, si casri ahna loo dhisay, iyadoo qeyb ka ah qorshaha u diyaar garowga xili roobaadka, islamarkaana la howlgelinayo dhammaan goobaha Biyo qabadka ee Caasimadda si looga hortago in biyuhu fariistaan waddooyinka iyo goobaha muhiimka ah.
Degmada Boondheere ayaa kamid ah degmooyinka uu shacabka dagan sanad walba roobabku ay u geystaan khasaare naf iyo maalba leh waxana sanadkii hore ku dhintay 7-ruux ka dib markii ay ku hafteen daadadka biyaha roobabka.
Warta Biyo qabadka leh ee Boondheere oo shaqo laga qabtay+sawiro