Wararka Soomaalida
Wasaarada amniga koonfur Galbeed oo amar soo saartay(Akhriso)
Kulan maalmahanba ay ku lahaayeen Wasiirka amniga Maamulka Koonfur Galbeed iyo Taliyaasha amniga ee Maamulkaas Magaalada Baydhabo ayaa waxaa looga hadlayey xaalada amaan ee Magaalada Baydhabo iyo guud ahaan deegaanada Maamulkaas. Shirka mas,uuliyiinta amniga Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu,u socday dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaana la,isku raacay in marka hore la xakameeyo hubka […]
Kulan maalmahanba ay ku lahaayeen Wasiirka amniga Maamulka Koonfur Galbeed iyo Taliyaasha amniga ee Maamulkaas Magaalada Baydhabo ayaa waxaa looga hadlayey xaalada amaan ee Magaalada Baydhabo iyo guud ahaan deegaanada Maamulkaas.
Shirka mas,uuliyiinta amniga Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu,u socday dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaana la,isku raacay in marka hore la xakameeyo hubka sida sharcidarada ah ee loogu dhax wato Magaalada Baydhabo.
Kulankaas ayaa waxaa laga soo saaray war-saxaafadeed mamnuucaya in Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed lala geli karin hub aan loo ogolayn.
Wixii intaas ka dambeeya ayaa waxaa la,isku afgartay in si lamid ah Magaalada Baydhabo oo kale laga mamnuuco habka sharcidarada ah deegaanada Maamulkaas.