Wararka Soomaalida

Wasaaradda amniga oo soo bandhigtay shaqsigii ka dambeeyay Qaraxii Soobe

Published

on

Ka dib markii barqadii maanta qarax gaari lagu xiray uu ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa Ciidamada amniga qabteen Shaqsigii ka dambeeyay qaraxaasi ka dib markii shacabka kaalin weyn ay ka gaysteen soo qabashadiisa.

Wasaaradda amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay nin dhin yaro ah oo magaciisa ku sheegay Xudeyfi Daa,uud Yuusuf wuxuuna cadaystay in gaariga yaalay Isgosyka Soobe meel wax yar ujirta kuna jiray Baakin gawaarida ama barta gawaarida la dhigo ka dibna miidanada uu ku xiray.

Gaarigaas uu miidana ku xiray Xudayfi Daa,uud Yuusuf ayaa gabi ahaanba gubtay iyadoo cidna wax ku noqon qaraxaas oo aad uxoogganaa ninkan dhalinyarada ah oo sheegay inuu ka mid yahay kooxda Al shabaab ayaa sheegay in meel fog laga hagayay markii gaariga uu miinada ku xirayay loona tilmaamay gaarigaas inuu miinada ku xiro.

Ilaa hadda lama oga cidda iska leh gaarigaas Miinada uu ku xiray ninkan dhalinyarada ah ee ubareeray inuu nafta dhaafiyo qof muslim ah oo aan wax dambi ah gelin.

Trending

Exit mobile version