Wararka Soomaalida
Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo sheegtay in ay qabteen Hub halis ah
Wasaaradda amniga ee Xukuumadda Soomaaliya oo soo saartay War ku saabsan Howgal ay sameeyeen Ciidanka amniga Muqdisho ayaa Wasaaradda waxay sheegtay in ay ku soo qabteen Ciidamada Howlgalkii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho Hub iyo raggii watay ka dib Warbixin ay ka heleen Shacabka sida lagu sheegay Warkan ka soo baxay Wasaaradda amniga Soomaaliya. Hubkan […]
Wasaaradda amniga ee Xukuumadda Soomaaliya oo soo saartay War ku saabsan Howgal ay sameeyeen Ciidanka amniga Muqdisho ayaa Wasaaradda waxay sheegtay in ay ku soo qabteen Ciidamada Howlgalkii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho Hub iyo raggii watay ka dib Warbixin ay ka heleen Shacabka sida lagu sheegay Warkan ka soo baxay Wasaaradda amniga Soomaaliya.
Hubkan ay sheegtay Wasaaradda amniga ayaa waxaa noociisa uu yahay Hoobiyaha ama waxa Afka qalaad lagu yiraahdo mortars hubkaas oo ka kooban Afar Hoobiye iyo raggii waday hubkaas inkastoo Wasaaradda aan Carabaabin Tirada iyo magacyada ragga hubkan lagu soo qabtay.
Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in Ciidamada ay ka hortageen arin halis ah oo ay markale damacsanaayeen Maleeshiyada Al shabaab sida uu Warka udhigay Wasiirka amniga.
Warka Wasaaradda amniga ayaa uqornaa sidatan”Ciidamada Amniga ayaa gacanta ku soo dhigay hoobiyaal kale oo Argagixsadu rabeen inay kuso tuuraan Xarunta Xalane iyo meelo kale.runtii Howlgal mirodhal ah ayuu ahaa kii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho,waana sii wadaynaa howgalada ay sameenayaan Ciidamada amniga”ayaa lagu yiri Warka Wasaaradda amniga Soomaaliya ka soo baxay.
Howlgalkan ayaa wuxuu imaanayaa kagadaal markii shalay Weerarka xagga madaafiicda ah lagu qaaday Xarunta Xalane oo ay deganyihiin Safaaradaha reer Galbeed,Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Taliska Ciidamada AMISOM.
Weerarkaas shalay lagu qaaday Xalane ayaa waxaa ku dhaawacmay Afar ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobe iyo shakhsi Qandaraasle ah sida la xaqiijiyey.