Wararka Soomaalida
Wasaaradda Caafimaadka oo ka jawaabtay walaaca Cudurka Ebola
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar Nuur ayaa jawaab ka bixisay dareenka Bulshada ee Cudurka Ebola ee laga helay dalka Uganda waxayna sheegtay in shacabka deganaan muujiyaan ka dib markii dalka Uganda Kiiska Cudurka Ebola laga helay qaar ka mid ah bulshada dalkaasi. Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar Nuur oo […]
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar Nuur ayaa jawaab ka bixisay dareenka Bulshada ee Cudurka Ebola ee laga helay dalka Uganda waxayna sheegtay in shacabka deganaan muujiyaan ka dib markii dalka Uganda Kiiska Cudurka Ebola laga helay qaar ka mid ah bulshada dalkaasi.
Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar Nuur oo maanta soo saaratay war-saxaafadeed ayaa sheegtay in Soomaaliya aysan ka jirin xilligaan walaac ku aaddan inuu ka dilaaco cudurka Ebola oo kiis ka mid ah laga helay dalka Ugandha.
Hase ahaatee badi bulshada ay qabaan walaaca Cudurkaas iyo hadalka Wasiirka waxayna aaminsan yihiin in cudurkan uu yahay mid halis ah oo si fudud u fida, ayna jirto khatar weyn, iyadoo isku socodka dalalka Ugandha iyo Somaliya uu aad u badan yahay maadaama dalkaas Somaliya ay ka joogaan kumanaan Ciidanka Uganda oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM.