Wararka Soomaalida
Wasaaradda Dastuurka oo shir ku qabatay Muqdisho
Wasaaradda arimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdhisho ku qabatay shir ku saabsan sidii haweenka Soomaaliyeed looga talo-gelin lahaa dib-u-eegista dastuurka dalka qabya qoraalka ah ee Soomaaliya.
Ujeedka shirkan loo qabtay ayaa wuxuu ahaa in sanadkan inta uusan dhamaan laga faraxasho dhamaystirka arimaha qabyada ah ee Dastuurka Soomaaliya ee muddada aadka udheer qaatay ka shaqayntiisa.
Shirkan oo ay ka qayb galeen dhamaan Ururada haweenka ee fadhigooda uu yahay magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda Dastuurka ee Soomaaliya waxaana dhinaca kale ka qayb galay Ururada bulshada rayidka ah ee ka dhisan magaalada Muqdisho.
Ka qayb galiyaashii shirkaas ayaa dhamaan soo dhaweeyay in haweenka door muhiim ah oo muuqda ay ku yeeshaan dardar gelinta dhamaystirka howlaha Dastuurka dalka ee muddada dheer soo bilowday dhamaystirkiisa.