Wararka Soomaalida
Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo go,aan ka soo saartay arimaha Xujayda
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya Nuur Maxamed Xasan oo soo saaray war-saxaafadeed ayaa sheegay in shirkadaha daabulaya Xujayda Soomaaliyeed ee aadaya Xajka ay u qabanayaa Tartan furan. Wasiirka ayaa sheegay in shirkadaha danaynaya arimahaas ay soo gudbin karaan araajadooda lagana qabanayo shirkaddii soo gudbisa codsigeeda Tartanka daabulida Xujayda. Tartankan loo qabanayo shirkadaha qaadaya […]
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya Nuur Maxamed Xasan oo soo saaray war-saxaafadeed ayaa sheegay in shirkadaha daabulaya Xujayda Soomaaliyeed ee aadaya Xajka ay u qabanayaa Tartan furan.
Wasiirka ayaa sheegay in shirkadaha danaynaya arimahaas ay soo gudbin karaan araajadooda lagana qabanayo shirkaddii soo gudbisa codsigeeda Tartanka daabulida Xujayda.
Tartankan loo qabanayo shirkadaha qaadaya Xujayda ayaa codsigaas wuxuu ku egyahay 9-ka Bishan May wixii intaas ka dambeeyana la xaraynayo araajoojinka shirakadaha codsiyada soo gudbiyey.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya Nuur Maxamed Xasan ayaa sheegay in tartanka shirkadaha ay u xilsaareen gudi ka kooban Culimada Soomaaliyeed iyo Ururada rayidka si aaney dood iyo qaylo ugu imaanin.
Shirkadihii ku soo badana ay qaadi doonaan Xujayda Soomaaliueed ee aadaya Xajka.
Arintan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo sanadkii hore uu buuq ka dhashay shirkadaha qaadaya Xujayda waxaana markii dambe loo xilsaaray Afar shirkadood oo kala ah.
1-Jubba Airways.
2-Daallo Airlines.
3-Freedom.
4-East Africa.
Talaabadan ayaa waxay ka dhigan tahay in afartaas shirkadood ee sanadkii hore qaatay qandaraaska hadda aaney ku koobnaan doonin sidoo kale iyagana ay qayb ka yihiin tartanka shirkadaha loo qabanayo.