Wararka Soomaalida
Wasaaradda Diinta oo munaasabad usamaysay Sheekh Umal
Munaasabad soo dhaweyn ah oo ay ka qayb galeen Culimada waaweyn ee Soomaaliyeed bulshada noocyadooda kala duwan ayaa galabta Sheekh Maxamed Cabdi Umal waxaa loogu sameeyay magaalada Muqdiaho iyadoo maanta Sheekha uu baajiyay Muxaadaradii uu ku qaban lahaa Garoonka ciyaaraha ee ENG Yariisow Stadium ee magaalada Muqdisho ka dib khilaaf lagala hor yimid Sheekh Umal.
Munaasabaddan oo ka dhacday Hotel Royal Palace ee Muqdisho ayaa dhanka Culimada sida weyn loo garanayo ee ka qayb galay munaasabadaasi waxaa ka mid ahaa Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Sheekh Cali Wajiis) iyagoo halkaas ka hadlay waxay sheegeen in Sheekh Umal lagu xad gudbay beena laga sheegay shaqsiyadiisana ay aad ugaranayaan muuqaalada baraha bulshada lagu faafiyayna ay yihiin kuwo la farsameeyay oo muuqaalba meel laga keenay ka dibna loo ekaysiiyay Muuqaal jira oo run ah.
Culimadaas ayaa Sheekh Maxamed Cabdi Umal ugu mahad celiyay garabnistaaga shacabka Soomaaliyeed ee marwalba oo wax dhacaan gurmadka dhiniciisa kaalin ka qaata iyagoo tilmaamay in Sheekha lagu xasuusto abaartii 2011-kii,2018-kii iyo Fatahaadda iyo daadadka hadda taagan kaalinta wanaagsan ee uu ka gaystay.
Munaasabadan oo ay soo agaasinta wasaaradda Owqaafta iyo arimaha Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa dhinaca dowladda federaalka Soomaaliya ka qayb galay wasiirka Owqaafta iyo arimaha Diinta Nuur Maxamed Xasan,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish iyo Xildhibaano labada aqal ka tirsan.
Wasiir Nuur Maxamed Xasan oo goobta hadal ka jeediyay ayaa umahad celiyay Sheekh Umal sida marwalba shacabka ugarab taagan yahay iyo sidoo kale in uu ku dadaalo markasta sidii shacabka Soomaaliyeed ubaran lahaayeen diintooda.
Wasiirka Owqaafta iyo arimaha Diinta Nuur Maxamed Xasan ayaa intaas hadalkiisa wuxuu ku daray inay nasiib daro weyn ay tahay in diinta la siyaasadeeyo ka dib markii Sheekh Cabdiqaadir Soomow siweyn uduray Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyadoo ugu dambayn khilaafkaas awgiis ubaaqatay Muxaadaradii uu qaban lahaa Sheekh Umal.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish oo asna goobta ka hadlay ayaa umahad celin Sheekh Maxamed Cabdi Umal ka sokow Culimada Soomaliyeed ugu baaqay in Culimada horseed unoqdaan bulshada midaynteeda.
“Waxaan ugu baaqayaa Culimada Soomaaliyeed in horseed ay u noqdaan xaqiijinta bulsho mideysan oo u jiheysan dhanka horumarka iyo wax wada qabsiga”
Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo hadalka qaatay ayaa umahad celiyay dhamaan shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibadba sida sharafta iyo qiimaha leh ee ay u soo dhaweeyeen imaatinkiisa Muqdisho sidoo kale wuxuu umahad celiyay Madaxda dowladda federaalka sida ay ugarab istaageen markii qaar ka mid ah Culimada Muqdisho mucaaradeen iyo soo dhaweynta wanaagsan ee isaga iyo Culimada la socotaba loo sharfay intaas ka dib wuxuu soo hadal qaaday arimo asaga lagu eedeeyay oo ay kow ka tahay dagaalkii Maxaakiimta ee dowladii Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed dhalinyaradii dagaalkaas ku dhamaaday in rag asaga ku jiro jihaad been ah dhalinyarada ku laayeen wuxuuna ugu jawaabay in arintaas aan waxba ka jirin.
Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa sidoo kale ka hadlay eeda ah inuu dad gaaleesiiyay taasana wuxuu ku tilmaamay waxaba kama jiraan laakiin wuxuu cadeeyay meelaha qaar in qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed isku khilaafsan yihiin ilaa haddana khilaafkaas uu taagan yahay.
Ugu dambayn wuxuu hadalkiisa ku soo qatimay Muxaadaradii maanta uu ku qaban lahaa garoonka Ciyaaraha ee ENG Yariisow Stadium in asaga codsaday in la baajiyo maadaama khilaaf diini ah uu taagan yahay.
“Waxaa ayaan-darro ah ninka maanta leh Sh-Umal ayaa fatwadiisa lagu laayey wiilal Soomaaliyeed haddaan dhiiggooda baneeyey ummadda Soomaaliyeed uma soo gurmadeen waan idin kaga mahad celinaa soo dhaweyntiina ismana lihi Xamar ayaa lagugu takooray mana jirto xumaan iyo cuqdad aan u qabo dadka reer Muqdisho mana qabo inaad raali galin i siisaan,aniga ayaa dalbaday in la joojiyo Muxaadarada intii dhiig qof muslim ah ku daadan lahaa iyadoo Madaxweynaha iyo madaxda Qaranku ay ku adkeysanayaan in la qabto marka wadaadkii iyo intii ku faker ah ee ii gaftay waan cafiyey iyo guud ahaan Umada Soomaaliyeedba”ayuu yiri Sheekh Umal.