Wararka Soomaalida
Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Milatariga oo war Soo saaray
Iyadoo maalmahanba ay taagneed cabasho xoogleh oo ay jeedinayeen Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan Ciidanka Milatariga Soomaaliya ee ubadan Ciidamada kusugan difaacyada lagu la dagaalamayaan Al shabaab,islamarkaana cabashada Ciidanka oo ku saabsan Mushaar la,aan iyo nooliga sida Biyaha iyo raashiinkii ay ku noolaayeen oo meesha ka baxay ayaa arintaas waxaa caawa war ka soo saaray […]
Iyadoo maalmahanba ay taagneed cabasho xoogleh oo ay jeedinayeen Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan Ciidanka Milatariga Soomaaliya ee ubadan Ciidamada kusugan difaacyada lagu la dagaalamayaan Al shabaab,islamarkaana cabashada Ciidanka oo ku saabsan Mushaar la,aan iyo nooliga sida Biyaha iyo raashiinkii ay ku noolaayeen oo meesha ka baxay ayaa arintaas waxaa caawa war ka soo saaray Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo Taliska guud ee Milatariga Soomaaliya.
War-saxaafadeed.
Wasaarada Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxay ku howlan yihiin diiwaan-gelinta Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed si loo loo tayeeyo howlaha ciidanka loona hubiyo xuquuqda ciidanka.
Askari walba oo diiwaan-gelintiisa la xaqiijiyay waxa uu qaataa mushaarkiisa oo si toos ah loogu shubo koontadiisa bangiga.
Sidoo kale waxaa loo billaabay in 30 doolar oo kamid ah qoondada raashinka askarta si toos ah loogu shubo koontada uu askarigu bangigiisa ku leeyahay marka la xaqiijiyo diiwaan-gelintiisa.
Ciddii la diiwaangeliyay ee aan weli helin xaquuqdooda billaha ah waxaa ku socda xaqiijin rasmi ah, sidoo kale waxaa wali socda diiwaan-gelinta ciidanka,waxaana ciidamada la diiwaan-geliyay lagu amray inuu ku sugnaadaan goobtooda shaqada.
Inta ay socoto diiwaan-gelintu waxaa laga codsan doonaa ciidamada qaarkood in ay yimaadaan goobo ku dhow goobtooda shaqo, sida kuwa dhanaane oo lagu diiwaan-gelin doono Jazeera, kadibna ay dib ugu laaban doonaan goobtooda shaqo.
Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ciidanka ku wargeliyay inta ay diiwaan-gelinta socoto askari walba uu ku uu heli doono xuquuqdiisa oo buuxda marka ay soo dhammaata diiwaan-gelinta.
Dowladda Soomaaliyeed waxa ay ku guulaysatay in ay si joogto ah u bixiso mushaaradka askarta labadii sano ee la soo dhaafay, laakiin labadii billood ee ugu dambaysay lagu mashquulsanaa diiwaan gelin iyo xaqiijin rasmi ah.
Dhamaad.