Wararka Soomaalida
Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya oo Muqdisho ka furtay Shir ay qayb ka yihiin Ganacsato Finland ah Daawo Sawirada
Shirkan oo socon doona muddo labo maalin ah ayaa maanta waxaa Muqdisho ka furay Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo qaar ka mid ah khubaro udhashay Dalka Finland ahna Ganacsato wadankaas ku leh shirkada iyo xarumo Ganacsi oo aad u horumarsan. Shirka ayaa waxaa looga goleeyahay sidii loo horumarin lahaa arrimaha Ganacsiga […]
Shirkan oo socon doona muddo labo maalin ah ayaa maanta waxaa Muqdisho ka furay Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo qaar ka mid ah khubaro udhashay Dalka Finland ahna Ganacsato wadankaas ku leh shirkada iyo xarumo Ganacsi oo aad u horumarsan.
Shirka ayaa waxaa looga goleeyahay sidii loo horumarin lahaa arrimaha Ganacsiga Soomaaliya,Maalgashiga Soomaaliya iyo sidii dhalinyarada Soomaaliyeed ee waxbaratay shaqo la,aanta ku haysa Muqdisho iyo Gobolada dalka shaqo abuur loogu samayn lahaa sida laga xusay madasha shirka.
Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo furay shirka ayaa sheegay muddada labada cisho ah ee uu soconayo shirkan lagu qaadaa dhigi doono arimaha Ganacsiga iyo dar-dar-gelintooda ,arimaha Maalgashiga iyo sidii Mashruuc shaqo loogu samayn lahaa dhalinta Soomaaliyeed kuwooda waxbartay ee ka baxay Jaamacadaha iyo kuwo fursadaha waxbarasho nasiibka usaamixin looga faa,iidayn lahaa.
Bogga Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo qoray fariintan”Wasaarada ganacsiga Soomaaliya Waxqabadka iyo horumarka baaxada leh ee ay gaartay ama wado waxaa marqaati ka ah sida dawladdu u furtay ee loo aaminayo Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya si dhalinyaradu shaqo u helaan oo nolosha Shacabku u hagaagto Maanta waxaa Muqdisho ka furmay Shir laba maalmood ah oo Shirkadaha Soomaaliya iyo Finland kaga wada hadlayaan xoojinta Ganacsiga iyo Maalgashiga labada wadan”
Wasaaradda Ganacsiga ayaa waxay ka mid tahay Wasaaradaha sida xowliga ah ushaqeeya.