Wararka Soomaalida

Wasaaradda Maaliyadda oo Maamulada ufasaxday dhaqaale

Published

on

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddo dheer ka dib maamul Goboleedyada ka jira Soomaaliya iyo maamulka Gobolka Banaadir ufasaxay lacag deeq ah oo ka tumid midowga reer Yurub deeqadaas dhaqaale ee ka timid midowga Yurub oo gaaraysa 6 Malyan oo doolar sida uu cadeeyay Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Dr.Cabdiraxmaan Ducaale Bayleh.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir u fasaxay qayb ka mid ah lacagta 6 milyan ee dollar iyadoo lacagtan deeqda ah ee Midowga Yurub ugu talagaleen in lagu kabo Miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Lacagtan deeqda ah ayaa Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya u qoondeesay dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir in loogu deeqo Maamul 1 Malyan oo dollar.

Waxaana lacagtan la siinayo maamulada intooda badan loogu tala galay in wax looga qabto arimaha bulshada iyo amniga waxaana Wasaarada maaliyada ku wargalisay wasaaradaha maaliyada maamulada in ay soo qortaan codsi cadaynaya lacagtan iyo waxa ku qabanayaan.

Arintan dhaqaale ufasaxida maamul goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ku soo beegmayaa ka dib markii maanta uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi sharciga la dagaalanka Musuq-Maasuqa iyo magacaabista gudiga la dagaalanka Musuq-Maasuqa.

Sidoo kale deeqdan lacageed ee dowladda federaalka Soomaaliya ufasaxday dowlad goboleedyada hoos yimaada dowladda dhexe iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa waxay ku soo aadaysaa ka dib markii dhowaan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya shir looga hadlayay arimaha deen cafinta Soomaaliya ugu soo gabagaboobay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya,kuwa maamul goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Trending

Exit mobile version