Wararka Soomaalida
Wasaaradda Maareynta Musiibooyinka oo Hay’adaha Gargaarka caalamka ka dalbatay 1.08 Bilyan Dollar(Akhriso)
War-Saxaafadeed maanta ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Siciid Xamsa ayaa waxa uu hay’adaha bixiya kaalmooyinka gargaarka bini,aadanimo kaga dalbaday Lacag dhan 1.08 bilyan oo Dollar si wax looga qabto arimaha Musiibooyinka iyo qoysaska barakacayaasha ah. Xamsa Siciid Xamsa ayaa sheegay in dalabka lacagtaas ujeedkooda uu yahay in […]
War-Saxaafadeed maanta ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Siciid Xamsa ayaa waxa uu hay’adaha bixiya kaalmooyinka gargaarka bini,aadanimo kaga dalbaday Lacag dhan 1.08 bilyan oo Dollar si wax looga qabto arimaha Musiibooyinka iyo qoysaska barakacayaasha ah.
Xamsa Siciid Xamsa ayaa sheegay in dalabka lacagtaas ujeedkooda uu yahay in wax looga qabto 3.4 Milyan oo qof unabadan qoysaska Barakacayaash ee ka soo barakacay Abaarihii hore,Duufaano iyo dagaalo horay udhacay.
Wasiir Xamsa Siciid Xamsa ayaa sheegay in xaaladii Sannadkii hore meeshii inta gargaarka ubaahan tirada joogtay hadda hoos looga soo dhacay halka Sannadkii hore ee 2018kii tirada ka ahayd 6.2 hadda ay doonayaan 4.2 in hoos loo dhigo taasoo udhiganta Boqolkiiba %33 sida qorsha hooda uu yahay.
War-murtiyeedkan ayaa waxaa sidoo kale ku jira Hay’adaha QM ee deeq bixiyaasha ah dhanka Gargaarka oo iyaga iyo Wasaaradda Maaraynta Musiibooyinka si wadajir ah ay u soo saareen War-Saxaafadeedka.
Qoraal kooban oo uu soo dhigay Wasiirka gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Siciid Xamsa Bogga Wasaaradda ayaa waxaa uu yiri”Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarka ee waddanka ka shaqeeya maanta waxa ay ku dhawaaqeen Qorshaha ka Falcelinta Baahiyaha Bini’aadamnimada ee 2019. Halkan ka akhriso War-Saxaafadeedka wadajirka ah”