Wararka Soomaalida

Wasaaradda waxbarashada oo dugsiyada uqeebisay Manhajka cusub

Published

on

Wasaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maalintii labaad wada qeybinta bixinta buugagta manhajka waxbarashada oo si lacag laan ah loogu qeybinayo iskuulada Gobalka Banaadir ku yaalla.

Agaasimaha waaxda dugsiyada dalka Muuse Maxamed Caraale iyo xubno ka socday wasaaradda waxbarashada ayaa maanta dugsiyada Gobalka Banaadir gaarsiiyay buugaagta Manhajka waxbarashada oo si lacag la aan ah ay wax ku baran doonan ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dugsiyada ku yaala Muqdisho.

Bixinta buugaagta waxbarashada manhajka Dugsiyada Hoose/dhexe ayaa wasaaradda Waxbarashada waxay ku bilowday magaalada Baydhabo ee Gobalka bay iyo Gobalka banaadir ka dib markii dhowaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Muqdisho uu ka daah furay.

Trending

Exit mobile version