Wararka Soomaalida

Wasaaradda waxbarashada oo go,aan soo saartay(Akhriso)

Wareegto maanta  ka soo baxday xafiska wasiirka waxbarasha xukuumadda Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa hay’adaha waxbarashada iyo iskuulada ka jira dalka lagu amray in ay hirgaliyaan aqoonsiga manhaj cusub oo Wasaaraddu dhowaan ay soo saartay. Manhajkan cusub ee ay soo saartay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa waxaa loogu talahalay inuu ka koobnaado fasalka 1koobaad ilaa fasalka […]

Published

on

Wareegto maanta  ka soo baxday xafiska wasiirka waxbarasha xukuumadda Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa hay’adaha waxbarashada iyo iskuulada ka jira dalka lagu amray in ay hirgaliyaan aqoonsiga manhaj cusub oo Wasaaraddu dhowaan ay soo saartay.

Manhajkan cusub ee ay soo saartay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa waxaa loogu talahalay inuu ka koobnaado fasalka 1koobaad ilaa fasalka 8-aad islamarkaana waajib looga dhigay bahda waxbarashada iyo Dalladaha waxbarashada oo idil inay aqoonsadaan iyadoo amarkan uu bilaabanayo bisha Agoust ee sanadkan.

Wareegtada ayaa waxaa lagu cadeeyay Hay,addii iyo Iskuulkii ka dhega adeega fulinta amarka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya in tallaabo Deg-Deg ah laga qaadayo.

Ujeedka wasaaradda ayaa wuxuu yahay in Manhajkan cusub ee wasaaradda soo saartay lagu daro casharada laga bixiyo Iskuulada Soomaaliya oo dhan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version