Wararka Soomaalida

Wasaaradda waxbarashada oo Ogaysiin soo saartay

Published

on

Wasaaaradda Waxbarashada,Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ee soomaaaliya ayaa sheegtay inay bilaabayso Ololaha diiwaan gelinta iyo kormeer ay ku samayn doonto Dugsi kasta oo wadanka ku yaala islamarkaana waxbarasho ka socota sida lagu xusuay nuqulka Ogaysiinta ah ee wasaaradu ay soo saartay.

“Waxaa qaybta ugu soo horaysa ka bilaaban doontaa Gobolka Banadir oo loo qorsheyey in ay qabsoomto inta u dhaxaysa 25.11.2019 ilaaa 10.12.2019,Dugsiyada waxaa si hor dhac ah loo ogaysiinayaa dugsiga inaan laga waayin dukumiintiyadda ku qoran lifaaqa hoose”ayaa lagu yiri nuqulkan Ogaysiinta ah ee Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta sare ka soo baxay.

Hoos ka akhriso nuqulka Ogaysiinta

Trending

Exit mobile version