Wararka Soomaalida
Wasaaradda waxbarashada oo Ogeysiin soo saartay
Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa caawa soo saartay Ogeysiin ku saabsan in laga bilaabo maalinta beri ah ay bilaabayaan bixinta shahaadooyinka Qaranka ee Imtixaanaadkii ardayda.
“Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay dhammaan ardayda Soomaaliyeed ku wargelinaysaa, laga billaabo birrito oo Talaado ah taariikhduna tahay 10ka Diseembar, 2019, Xafiiska Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka wuxuu dib-u-billaabi doonaa bixinta shahaadooyinka qaranka”ayaa lagu yiri Ogeysiinta wasaaradda ay soo saartay.