Wararka Soomaalida
Wasaaradda waxbarashada oo shaacin doonta natiijadii Imtixaanka
Cabdullaahi Goodax Barre wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in caawa markii saacada soo gaarto 10:00 fiidnimo xiliga Geeska Africa wasaaradda ay shaacin doonto natiijadii Imtixaanaadkii ay galeen ardada Soomaaliyeed. Wasiir Goodax ayaa umahad celiyay Allah ka dibna wuxuu sheegay in iyagoo gudanaya waajibaadka shaqo ee ay uhayaan bulshada […]
Cabdullaahi Goodax Barre wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in caawa markii saacada soo gaarto 10:00 fiidnimo xiliga Geeska Africa wasaaradda ay shaacin doonto natiijadii Imtixaanaadkii ay galeen ardada Soomaaliyeed.
Wasiir Goodax ayaa umahad celiyay Allah ka dibna wuxuu sheegay in iyagoo gudanaya waajibaadka shaqo ee ay uhayaan bulshada Soomaaliyeed lagaaray waqtigii la soo bandhigi lahaa natiijada Imtixaanka.
“Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, iyada oo gudaneysa waajibaadkeeda shaqo ee ku aaddan u adeegidda ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa sharaf iyo farxad weyn inoo ah in aan maanta soo bandhigno natiijada imtixaanka”ayuu yiri wasiir Goodax.
Imtixaanka hadda lagu howlan yahay shaacinta natiijada ayaa wuxuu yahay kan dugsiyada dhexe iyo sare ka dib markii wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Imtixankaas ay ka qaaday Ardada Soomaaliyeed.