Wararka Soomaalida
Wasaaradda Xanaanada xoolaha Koonfur Galbeed oo amar soo rogtay
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Maamulka Koonfur-Galbeed ayaa ku dhawaaqdey in aan la qali karin Xoolo fasax la,aanta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyadoo aan la hubinin caafimaadkooda. . Amarkan ka soo baxay Wasaaradda ayaa yimid ka dib markii Wasiirka xanaanada Xoolaha Maamulka Koonfur Galbeed Mukhtaar Maxamed Guuleed uu kormeer ku tagay Kawaanada lagu qalo xoolaha nool ee […]
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Maamulka Koonfur-Galbeed ayaa ku dhawaaqdey in aan la qali karin Xoolo fasax la,aanta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyadoo aan la hubinin caafimaadkooda.
.
Amarkan ka soo baxay Wasaaradda ayaa yimid ka dib markii Wasiirka xanaanada Xoolaha Maamulka Koonfur Galbeed Mukhtaar Maxamed Guuleed uu kormeer ku tagay Kawaanada lagu qalo xoolaha nool ee ku yaala Magaalad Beydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Ujeedka go’aanka ka soo baxay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Koonfur-Galbeed ayaa lagu sheegay in go,aankan uu yahay mid loogu goleeyahay hubinta ama ogaanshaha badqabka caafimaadka xoolaha si loo adkeeyo fayadhowrka Bulashada.
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Koonfur Galbeed ayaa maalmahanba ku howlaneed sidii loo ogaanlahaa fayadhawrka Xoolaha ku nool deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya