Wararka Soomaalida

Wasiir arima dibadeed hore oo ku geeriyooday Qaraxii Muqdisho

Wasiirkii hore ee arimaha dibadda ee Soomaaliya Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa maanta ku geeriyooday Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere. Marxuum Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa waxaa wasiirka arimaha dibadda ee Soomaaliya soo noqday xiligii dowladdii Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed ee asna geeriyooday. Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa dalka Soomaaliya ka soo […]

Published

on

Wasiirkii hore ee arimaha dibadda ee Soomaaliya Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa maanta ku geeriyooday Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere.

Marxuum Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa waxaa wasiirka arimaha dibadda ee Soomaaliya soo noqday xiligii dowladdii Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed ee asna geeriyooday.

Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa dalka Soomaaliya ka soo qabtay xilal kala duwan dowladdii kacaanka wuxuu caan ku ahaa wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo la-taliye sare ee wasaaradda arimaha dibadda ee Dowladdii Militariga ahayd.

Burburii ka dib waxaa uu ka mid ahaa gudigii loo xil saaray arimaha Dastuurka iyadoo xiligaas dalka Soomaaliya ay ku sugnaayeen Ciidamadii QM.

Shirkii dib uheshiisiinta ee Carte iyo dowlad dhisidii ee ka soo baxday Dowladdii Dr Cabdiqaasin Salaad Xasan ayaa wuxuu ka soo noqday Xildhibaan.

Shirkii Mbagathe waxaa uu soo noqday markale Xildhibaan ahna wasiir Xukuumadii Ra’iisul wasaare Xasan Abshir waxaa loo magacaabay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah waxaa kaloo soo noqday Wasiirka Agoonta iyo Naafada Soomaaliya xiligii Ra’iisul wasaare Prof Cali Maxamed Geedi.

Xukuumaddii Ra’iisul wasaare Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade wuxuu soo noqday Wasiirka Dalxiiska,Warshadaha iyo Ganacsiga.

Marxuumka ayaa sidoo kale Xukuumaddii Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ka soo noqday Wasiirka Dib udhiska Soomaaliya.

Marxuun Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa xilal kala duwan dalka kasoo qabtay wuxuuna mudooyinkii dambe kunool magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version