Wararka Soomaalida
Wasiir Bayle iyo Bella Bird oo kulan ku yeeshay Muqdisho
Maanta Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo gaartay haweenayda Bangiga Aduunka uqaabilsan qaaradda Africa haweenayda laga magacaabo Bella Bird waxay kulan wada qaateen Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr.Cabdiraxmaan Ducaale Bayle. Kulanka Bayle iyo Bella Bird ayaa waxaa uu ku salaysnaa arrimaha dhaqaalaha iyo kubaca xagga dhaqaale dowladda federaalka ee Soomaaliya. Bella Bird oo ah […]
Maanta Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo gaartay haweenayda Bangiga Aduunka uqaabilsan qaaradda Africa haweenayda laga magacaabo Bella Bird waxay kulan wada qaateen Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr.Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.
Kulanka Bayle iyo Bella Bird ayaa waxaa uu ku salaysnaa arrimaha dhaqaalaha iyo kubaca xagga dhaqaale dowladda federaalka ee Soomaaliya.
Bella Bird oo ah Madaxa Bangiga Aduunka ee Wadamada Soomaaliya, Tanzania, Burundi iyo Malawi ayaa magaalada Muqdisho u timid sidii ay wax uga ogaan laheyd Horumarka Soomaaliya gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha ee guulaha LA sheegayaa in laga gaaray labada sano ee dowladda ay jirto lagaaray.
Wasiirka Maaliyada Soomaaliya ayaa kala hadlay Bella Bird arrimo kala duwan ay kamid tahay horumarka iyo isbadalka Maaliyadeed ee dalka ka jira, waxay sidoo kale labada dhinac kawada hadleen xoojinta wada shaqeynta Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Bangiga Aduunka.
Wasiir Bayle ayaa wuxuu yiri“Waxaa sharaf ii aheyd inaan maanta xafiiskeyga ku qaabilo Bella Bird oo ah Madaxa Bangiga Aduunka ee Wadamada bariga Afrika qaar ka mid ah sida, Soomaaliya,Tanzania, Burundi iyo Malawi, Waxaan ka wada hadalnay horumarka iyo isbadalka Maaliyadeed ee dalka iyo sidii aan u xoojin laheyn wada shaqeynta aan la leenahay World Bank.”ayuu yiri Wasiir Beyle.
Dhoor jeer ayaa sidaan oo kale waxaa Magaalada Muqdisho u soo gaaray Madax kala duwan oo ka tirsan wadamada caalamka iyo Madax ka tirsan Bangiga Aduunka iyagoo dhamaan ukuur galayey sida loo maamulay xoogaaga dhaqaale Caalamka ay siiyaan Dowladda federaalka iyo kubaca dhaqaale ee marwaliba ay ku faanaan Madaxda federaalka Soomaaliya.