Wararka Soomaalida

Wasiir bayle oo booqday Suuqa Kalluunka+sawiro

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta booqday Suuqa Kalluunka Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho wuxuuna la kulmay labo dhalinyaro oo ka mid ah dhalinyarada badda ka soo saara Kalluunka waliba xili dhabarka ay usaarnaayeen Kalluun aad uwaaweyn. Wasiirka ayaa xog waraystay raggaas dhalinyarada ah ee xambaarsan Kalluun,misena aad uwaaweyn wuxuuna waydiiyey qiimaha […]

Published

on

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta booqday Suuqa Kalluunka Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho wuxuuna la kulmay labo dhalinyaro oo ka mid ah dhalinyarada badda ka soo saara Kalluunka waliba xili dhabarka ay usaarnaayeen Kalluun aad uwaaweyn.

Wasiirka ayaa xog waraystay raggaas dhalinyarada ah ee xambaarsan Kalluun,misena aad uwaaweyn wuxuuna waydiiyey qiimaha hadda kuwan oo kale ay ka joogaan Suuqa Xamarweyne waxayna usheegeen in qiimo aan ka yarayn 120$ dollar iyo kabadan halkii xabo haatan ay ka joogaan Suuqa,Kalluunkan dhabarka usaaran.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya oo qoraal uu kaga hadlayo qiimaha wax tarka leh ee uu leeyahay Malayga ama Kalluunka ka sameeyey ayaa waxaa bulshada Soomaaliyeed ku baraarujiyey in Kalluunka faa, iidada uu leeyahay ay gartaan isla markaana ay ku dadaalaan cunistiisa.

Waxaa kaloo uu ka hadlay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle in iyadoo intaan iyo ka badan oo khayraad ah ay ka buuxaan Baddeena haddana ay ka gaajoon yihiin shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa uu sheegay in fadhiga ay ka kacaan bulshada oo badda ay kala soo baxaan khayraadka dhex ceegaaga bidda si ay ugu baxaan saboolinimada ragaadisay muddada dheer.

“Sideen u gaajoon karnaa inagoo heysana kheyraadka noocaan oo kale ah waa in aan ka faa’iideysanaa nimcadaan dhulkeena dhex ceegaagta kaluumeysigu waa qeyb ka mid ah wax soosaarka ugu muhiimsan dalkeena, una baahan maalgalin iyo horumarin,bal qiyaas imisa faa’iido ah ayaan ka heli karnaa xabadaan KALUUNKA ah”ayuu yiri wasiir Bayle.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version