Wararka Soomaalida

Wasiir Beyleh oo beeniyay warbixin laga diyaariyay wasaaradda Maaliyadda

Published

on

Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh wasiirka Maaliyadda Soomaaliya beenin yahay warbixin laga diyaariyay wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ka dib markii nin ajanabi ah uu warbin kooban ka diyaariyay Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya kuna saabsan arimo la xiriira wax is dabamarin.

Warbixinta ayaa sheegaysa in Wasiir Beyleh Bangiga Dhexe ee Soomaaliya uu kala baxay lacag gaaraysa $5 Milyan oo Dollar ka dib markii Taleefon uu ka wacay Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Ninkan ajanabig ah ee diyaariyay warbixintaas ayaa waxaa lagu magacaabaa Jay Bahadur kaas oo ku qoray bartiisa Twitter uu ku leeyahay.

“Ujeedada qormadaan waa beenin ku saabsan Marin habaabinta Deyn-cafinta Soomaaliya waxaa la yaableh in dad yar oo aan waxba la socon ay isku mashquuliyaan in ay ka hor istaagaan taageerada caalamka ee deyn cafiska Soomaaliya. Ujeedadooda lama ogaan Karo laakiin Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay ku guulaysato dib-u-habaynta Maaliyadda si aan u gaarno deyn cafis dhammaystiran, isla markaana aan u helnno caawimaad cusub oo aan dalka dib ugu dhisi karno.

Si walba oo loo eego Maamulka Maaliyadda dalkeenna waa uu hormaray, waana hufan yahay. Wax intaa ka yarna kuma qancidoonno. Maanta waxaan haysanaa Miisaaniyad ku dhisan tiro iyo xog rasmi ah, dakhliga oo saddex sanno oo isku xigta kor u kacayayey, dhaqdhaqaaqa Maaliyadda oo laga arki karo Barnaamijka SFMIS ee la yaraahdo (Somali Financial Management Information System).

Intaasi waxaa noo dheer in aan shacabkeenna, canshuur bixiyeheenna, Baarlamaanka labada gole iyo saaxiibbada caalamka sida Hey’adda IMF, World Bank, African Development Bank, European Union iyo saaxiibbo iyo taageero kale oo badan aan ka wada shaqaynayno sidii aan u gaari lahayn deyn cafis isku dheellitiran waqtiga ugu horreeya sanadka cusub ee 2020.

Waa sharci darro iyo xushmmad darro in uu qof waxa uu ku qoray email-kiisa gaar ah, oo shaqo Qaran ku saabsan loo faafiyo si khaldan iyada oo looga jeedo majara habaabin shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan idin sheegayaa in Soomaaliya hormarkeeda been iyo kutiri kuteen ay faafinayaan dad aan waxba ogayn aysan hor joogsan karin. Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in Ummadda Soomaaliyeed ay gaarsiiso hormar dhanka dhaqaalaha iyo Maaliyadda ah”ayuu yiri Wasiir Beyleh.

Trending

Exit mobile version