Wararka Soomaalida

Wasiir Daahir Geele oo ka hadlay sababta howlgalka u dheeraaday

Daahir Maxamuud Geele Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya oo lahadlay warbaahinta Qaranka Soomaaliya ee SNTV ayaa marka hore tacsi udiray dhamaan dadka eheladooda ku dhintay qaraxyadii Xamar xalay ka dhacay wuxuuna Alle ugu baryey in dambigooda dhaafo iyagana samir iyo iimaan ka siiyo inta dhaawaca ahna ilaahay uboogo dhayo. Wasiirka ayaa Al shabaab ku eedeeyey in […]

Published

on

Daahir Maxamuud Geele Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya oo lahadlay warbaahinta Qaranka Soomaaliya ee SNTV ayaa marka hore tacsi udiray dhamaan dadka eheladooda ku dhintay qaraxyadii Xamar xalay ka dhacay wuxuuna Alle ugu baryey in dambigooda dhaafo iyagana samir iyo iimaan ka siiyo inta dhaawaca ahna ilaahay uboogo dhayo.

Wasiirka ayaa Al shabaab ku eedeeyey in mar waliba bar tilmaameed,kooda uu yahay kooxdaas goobaha ay iskuuga yimaadaan shacabka sida xarumaha Ganacsiga,wadooyinka iyo meelaha ay ku nastaan Shacabka.

Ujeedka Al shabaab ayuu ku sheegay wasiir Daahir Geele in uu yahay in qofna noolaanin,danihiisa gaarka ahna qabsanin isla markaana ka hor istaagaan wax allaale wixii nolol ku saabsan oo dhan.

Intaas ka dib wasiir Daahir Maxamuud Geele ayaa waxaa uu ka hadlay sababta keentay in howlgalka looga saarayey Kooxda Al shabaab dhismiyaasha ay qabsadeen in uu qaato 18 saacadood wuxuuna sheegay in Kooxda Al shabaab Ciidamada dowladda ku qaadatay howl-galkaas soo Afjariiddiisa saacadood dheer wuxuuna ku macneeyey in AL shabaab ay gabbaad ka dhigteen dadka Shacabka ah ka dib markii Guryadooda ay xoog ugu galeen una diiday shacabka in ay ka baxaan guryaha.

Dhinacake Wasiir Daahir Geelle ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay garab istaagaan Ciidamada Ammaanka si looga gaashaanto in aysan gabbaad ka dhigan Shacabka,aan waxba galabsan ee Kooxda Al shabaab marwaliba sidaan oo kale ugumaada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version