Wararka Soomaalida

Wasiir Goodax oo ceebeeyay Madaxda M/Goboleedyada

Wasiirka waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ahna mudane ka tirsan Baarlamanka Golaha shacabka Cabdulaahi Goodax Barre oo howlo shaqo ku jooga Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa nasiibdaro iyo maangaabnimo weyn ku tilmaamay shirkii fashilmay ee Madaxda Maamul Goboleedyada ku yeelan rabeen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Wasiir Goodax ayaa sheegay dal siyaasad ahaan aan ishayno naguna […]

Published

on

Wasiirka waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ahna mudane ka tirsan Baarlamanka Golaha shacabka Cabdulaahi Goodax Barre oo howlo shaqo ku jooga Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa nasiibdaro iyo maangaabnimo weyn ku tilmaamay shirkii fashilmay ee Madaxda Maamul Goboleedyada ku yeelan rabeen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiir Goodax ayaa sheegay dal siyaasad ahaan aan ishayno naguna haysta Baddeena iyo Barigeena in Madaxdii Maamul Goboleedyada Soomaaliya shir u,aadaan inay tahay nasiibdaro usoo hooyatay shacabka ay maamulaan iyo deegaanada ay sheegaan inay Madaxweyniyaal ka yihiin.

Cabdulaahi Goodax Barre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aad udhibsanayso in Madaxda Maamulada Soomaaliya shir ku yeeshaan Kenya iyadoo ay og yihiin in Kenya iyo Soomaaliya siyaasad ahaan isku wanaagsanayn islamarkaana kenya sheegatay dhul iyo bad aysan lahayn.

Wasiirka ayaa hadalkiisa intaas ku daray in Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya iyagoo heli kara inay ku shiraan Kismaayo,Garowe iyo Gaalkacyo inay shir ay u aadaan Nairobi nasiib xumo iyo ceeb ku tahay xilka iyo mas,uuliyada ay sheeganayaan Madaxweyniyaashaas.

“Madaxda maamulada Soomaaliya iyagoo og waxa ka dhax taagan Soomaaliya iyo Kenya ayay shir u,aadeen Nairobi waa maangaabnimadooda iyo aqli xumadooda bal fiiri nin noo haysta Bud iyo Garuun doonaya inuu madaxa nooga dhufto ayay hoos fariisanayaan soo aqli xumo haysta ma,ahan kuwa sheeganaya inay Madaxweyniyaal ka yihiin deegaanada ay maamulaan waa wax aad looga xumaado runtii”ayuu yiri Cabdulaahi Goodax Barre.

Hadalkan Wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa wuxuu imaanayaa ka dib markii Magaalada Nairobi shir beesha caalamka ah u aadeen Axmed Madoobe,Axmed Ducaale iyo Siciid Deni inkastoo shirkaas uu dhicisoobay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version