Wararka Soomaalida

Wasiir Goodax oo madax kula kulmay Magaalada Dooxa

Published

on

Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta magaalada Dooxa ee dalka QATAR kula kulmay mas’uuliyiinta hay’adda (EAA) Foundation Education Above All ee maalgelisa waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dadka waxbarta.

Wasiir Goodax ayaa sheegay in madaxda Hay’addan uu u sharaxay heerka wqxbarashada Soomaaliya caalamka ay ka joogaan ubadka Soomalaiyeed ee Tacliinta ku jira,wuxuuna intaas hadalkiisa ku daray inay ubalan qaadeen in mashruuxyada ay bixiso Hay’adda qayb ka mid ah ay siin doonaan Soomaaliya.

“Waxaan maanta magaalada Doha ee dalka Qatar kulan kula qaatay masuuliyiinta Hay’adda (EAA) Foundation Education Above All oo maalgeliya mashruuc kamid ah mashaariicda horumarineed ee waxbarashada dalka. Waxaan warbixin kasiiyay xaaladda guud ee waxbarashada dalka”ayuu yiri Wasiir Goodax.

Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dalka QATAR u tagay inay mashaariic waxbarashada ka soo xiraan si tacliinta sare ee jiilka Soomaaliyeed kor looga qaado.

Trending

Exit mobile version