Wararka Soomaalida
Wasiir hore oo sheegay in Xanuuno dhowr ah uu ka qaaday Lacag uu xaday
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Maamulka Soomaaliland xiligii Siilaanyo Maxamed Jaamac Abgaal oo maanta Wariyaasha kula hadlay Magaalada Hargaysa ee Maamulka Soomaaliland ayaa ka shee keeyey Xanuuno dhowr ah oo iminka uu la taahayo in uu u ersanayo Lacag uu u isticmaalay sifo baalmarsan Sharciga kana madaxbanaan inta uu xaqa uleeyahay ee Mushaharkiisa […]
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Maamulka Soomaaliland xiligii Siilaanyo Maxamed Jaamac Abgaal oo maanta Wariyaasha kula hadlay Magaalada Hargaysa ee Maamulka Soomaaliland ayaa ka shee keeyey Xanuuno dhowr ah oo iminka uu la taahayo in uu u ersanayo Lacag uu u isticmaalay sifo baalmarsan Sharciga kana madaxbanaan inta uu xaqa uleeyahay ee Mushaharkiisa ah.
Wasiir hore Maxamed Jaamac Abgaal ayaa waxaa uu sheegay Wasiirada Soomaaliland Musha harkooda ee bilkasta joogtada ay uhelaan uu dhanyahay 1500$ oo Dollar xataa lagu daray xoogaaga Gunada ah ee ay xaqa uhelaan Wasiirada iyo Xildhibaanada in intaas aaney dhaafsiisaneen.
Wasiirkii hore ee Boostada iyo isgaarsiinta Maamulka Soomaaliland Maxamed Jaamac Abgaal wuxuu sheegay in lacagtaas 1500$ ee Dollar aaney daboolaynin arimaha ku xeeran Mas,uul waliba sidaas darteed uu ku qasbanaanayo in qaab aan sharci ahayn u isticmaalo lacagta soo gasha ee ku jirta (Account) Mas,uul waliba meesha Madaxda uu ka yahay.
Maxamed Jaamac Abgaal waxaa uu intaas raaciyey Warkiisa in lacago farabadan oo ku fakaday isticmaalkooda maanta shalayto uu ka taagan yahay,ka dib markii Xanuuno kala joogsi lahayn uu isku arkay taasuna ay sabab utahay lacagahaas xaaraanta ah ee uu cunay.
Waxaa uu yiri”Markii aan shaqaynayey Sanad ayaan Xanuunsaday ka dibna waxaan aaday oo utagay dhaqtar si aan u ogaado waxa ihaya waxay yihiin dhaqtarkii aan utagay Baaritaan dheer dabadeed wuxuu ii sheegay mid ka mid ah Kiliyahayga in Dhagax uu dhex jiifo,haddana waxaan intaas ka dib shaqeeyey Sanadkale haddana waan Xanuunsaday mid kale oo dhaqtar ah ayaan u tagay kii hore ayaaba ii fiicnaa kanu wuxuu igu soo sheegay Dhiig Kar,Sanadkii seddaxaad ayaan haddana Wasiir sii ahaa waan sii shaqeeyey haddana xanuun ayaan la joogi waayey mid kaloo cusub ayaan aaday kuwii hore ayaaba dhaamayba kanu”ayaa hadaladiisa ka mid ahaa Maxamed Jaamac Abgaal Wasiir kii hore ee Wasaarada Boostada iyo isgaarsiinta Maamulka Soomaaliland.
Ugu dambayn Wasiirkii hore ee Boostada iyo isgaarsiinta Maamulka Soomaaliland Maxamed Jaamac Abgaal ayaa shirkiisii jaraa,id ku soo gaba gabeeyey Xukuumaddii hore ayaa waxaan ka qaaday Xanuuno kala duwan ilaa iminkadan waa la daala dhacayaa,Xildambe iyo Wasiir la,iga sugimaayo.