Wararka Soomaalida

Wasiir ka mid ah Xukuumada Soomaaliya oo iscasilay

Published

on

Wasiir kuxigeenka xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa ee Xukuumadda Soomaaliya ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha baarlamanka Soomaaliya Cabdikariin dhalac ayaa goordhow ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii wasiir ku xigeenka wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenkaas iscasilay ayaa sababta iscasilaadiisa ku sheegay inuu ka carooday qaabka Xukuumadda Soomaaliya uwajahday xaalada Maamulka Galmudug iyo habka loo marayo soo xulista Golaha baarlamanka maamulka Galmudug.

Xildhibaan Cabdikariin dhalac ee ahaa wasiir ku xigeenkii wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa iscasilaadiisa waxay ku soo beegmaysaa ka dib markii madaxda dowladda federaalka Soomaaliya intabadan soo xaliyeen xaalidihii adkaa ee ka jiray deegaanada maamulka Galmudug iyo habka maamul dhisida maamulkaas.

Trending

Exit mobile version