Wararka Soomaalida

Wasiir ku hadaf ah Xaaf oo xabsiga loo taxaabay

Wararka nagasoo gaaraya degmada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Xabsi ku yaala Dhuusa Mareeb la dhigay Axmed Shire Falage oo ah Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Maamulka Galmudug asagoo la sheegay inuu ka mid ahaa mas,uuliyiinta ku rayiga ahaa Xaaf. Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Shire Falage sababta Xabsiga […]

Published

on

Wararka nagasoo gaaraya degmada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Xabsi ku yaala Dhuusa Mareeb la dhigay Axmed Shire Falage oo ah Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Maamulka Galmudug asagoo la sheegay inuu ka mid ahaa mas,uuliyiinta ku rayiga ahaa Xaaf.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Shire Falage sababta Xabsiga loo dhigay ayaa waxaa lagu sheegay inuu doonayay inuu la baxsado Gaari dhowaan ay siisay dowladda federaalka Soomaaliya sidoo kale wasiir Falage uu damacsanaa inuu horay uraaco Axmed Ducaale Geele Xaaf Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo galabta safar dhulka ah kaga ambabaxay Dhuusa Mareeb.

Wasiir Falage ayaa caawa ku hooyanaya Xabsiga Dhuusa Mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ka dib markii galabta si kedis ah gacanta loogu dhigay Axmed Shire Falage.

Xariga Wasiir Axmed Shire Falage ayaa waxaa ka dambeeyay Ciidamo Boolis ah kana mid ah kuwa Ahlusunna ee maamula Dhuusa Mareeb sida ay sheegayaan wararka halkaas nagasoo gaaraya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version