Wararka Soomaalida

Wasiir Maareeye oo si deg deg ah loogu yeeray

Published

on

Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa waxaa si deg deg ah ugu yeeray golaha shacbaka inuu hor yimaado si wax loogu weydiiyo arimo la xiriira shaqada xafiiskiisa iyo tan warbaahinta dowladda oo asaga uu maamulo Radio-yaha iyo Television-ka Qaranka.

Xildhibaano gaaraya 11 mudane ayaa saxiixay inay dood uqabaan wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabsi Xayir Maareeye isla markaana Gudoonka golaha shacabka ka dalbaday inuu si deg deg ah ugu yeero wasiirka si ay u weydiiyaan Su’aalo ku saabsan waxa keenay in Television-ka qaranka iyo Radio-yahaba laga deyn hadalada ay jeediyaan Xildhibaanada ka aragtida duwan Xukuumadda asaga uu ka tirsan yahay.

Xildhibaanada mucaaradka ah ayaa ku eedeeyay Maxamed Cabdi Xayir Maareeye in Television-ka Qaranka iyo Radio-yahaba uu ka mamnuucay in laga daayo wararka Xildhibaanada ka aragtida duwan Xukuumadda hadda talada haysa sidaas awgeed loogu yeero inuu hor yimaado golaha shacabka si ay u weydiiyaan waxa sababay in hadaladooda laga joojiyo warbaahinta dowladda iyadoo wararka Xildhibaanada muxaafadka ah oo kaliya wararkooda iyo khudbadaha kaliya Television iyo Radio loo ogol yahay inay ka baxaan.

Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa waxaa lagu amaray in maalinta Axada ah ee soo socota kuna beegan 15 December uu ku hor yimaado golaha shacabka si uu ugu jawaabo Su’aalaha ay uqabaan Xildhibaanada asaga Mooshinka ka soo gudbiyay.

Warqada lagu amray in wasiir Maareeye uu hor tago Golaha shacabka ayaa waxaa ku saxiixan xoghayaha Guud ee golaha shacabka Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux.

Trending

Exit mobile version