Wararka Soomaalida
Wasiir oomaar iyo shirkadda Kenya Airways oo ka jawaabay eedo loo jeediyey
Warar maalmahanba la,isla dhaxmarayey oo ku saabsanaa in Wasiirka gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Salaad oomaar uu bixiyey qandaraaska Shirkadda Diyaaradaha Kenya Airways qeybta Tikidhada xafiiska Muqdisho sida Wararka eeda ah ee Wasiir oomaar loo jeedinayey ay sheegayeen. Wararkaas eeda ah ayaa waxaa War jawaab ah ka soo saaray Wasiir oomaar iyo Madaxda […]
Warar maalmahanba la,isla dhaxmarayey oo ku saabsanaa in Wasiirka gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Salaad oomaar uu bixiyey qandaraaska Shirkadda Diyaaradaha Kenya Airways qeybta Tikidhada xafiiska Muqdisho sida Wararka eeda ah ee Wasiir oomaar loo jeedinayey ay sheegayeen.
Wararkaas eeda ah ayaa waxaa War jawaab ah ka soo saaray Wasiir oomaar iyo Madaxda Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways.
War qoraal ah oo la soo dhigay barta Facebook ay ku leeyahay Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya ayaa waxaa lagu beeniyey in wararkaas ay yihiin kuwo sal iyo raad toona lahayn.
“Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Dawlada kenya wuxuu been cad oo aan sal iyo raad laheyn ku tilmaamay dacaayadaha raqiista ee lagu been abuuranayo Wasiir Oomaar iyo Shirkada Kenya Airweys
Wasiirka Soomaaliya wax door ah kuma laha bixinta qandaraaska Kenya Airways
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Kenya ayaa caddeeyay in wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Salaad uusan wax door ah ku lahayn bixinta qandaraaska wakiilka guud ee iibiyaha tikadhada ee Kenya Airways ee dalka Soomaaliya.
Kenya Airways ayaa bishii November 2018 codsatay cid walba iyo cidii danaynaysa in ay bixinayaan qandaraas hay’ad tikidhada iibisa oo fadhigeeda noqonaya Soomaaliya. “Shirkada Kenya Airways iyo mas’uuliyiinteeda oo ay la socdaan wasaaradda ayaa samayn doono habraac cadaalad ah oo lagu go’aaminayo cidda kala qayb qaadanaysa kenya airways suuqa cusub,” sidaa waxaa yiri sarkaal u hadlay wasaarada.
Codsiga soo jeedinta ayaa la xayaysiiyay isla bishaas in Kenya Airways ay duulimaad toos ah ay ka bilaabi doonto Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee Nairobi iyo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho”
Warka waxaa daabacay Wargayska Standar Media qaybta hoose waxaad ka heli kartaan Warkan oo English ah.
intabadan baraha bulshada waxaa la soo dhigaa warar tirobadan oo qaarkood loo maleysankaro in ay yihiin kuwo run ah.
Laakiin waxaa wararkaas been toobaan markii uu ka dabayimaado war kale oo beeninaya islamarkaana ay ka hadlaan cida warka hore uu khuseeyo.