Wararka Soomaalida
Wasiir oomaar oo ka hadlay nin ajanabiyo shalay lagu qabtay Garoonka aadan Cadde
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Salaad Oomaar ayaa ka hadlay Wararka sheegaya nin ajanabi ah oo shalay lagu qabtay Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde xili looga shakiyey in uu watay wax yaabaha qaraxa. Shaqsigaas ayaa la sheegay in uu raaci rabay Diyaaradda Ethiopian Airlines oo shalay duulimaad shaqo ku lahayd Garoonka Aadan Cadde. […]
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Salaad Oomaar ayaa ka hadlay Wararka sheegaya nin ajanabi ah oo shalay lagu qabtay Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde xili looga shakiyey in uu watay wax yaabaha qaraxa.
Shaqsigaas ayaa la sheegay in uu raaci rabay Diyaaradda Ethiopian Airlines oo shalay duulimaad shaqo ku lahayd Garoonka Aadan Cadde.
Ninkan ajanabiga ah ayaa waxaa uu wataa dhalashada wadanka South Africa wuxuuna ka gudbiwaayey qaybta Mashiinka baarista ka dib markii qalabka uu sheegay in Boorasada shaqsigaas ay ku jiraan shay qatar ah.
Wasiir Oomaar ayaa sheegay in shaqsigaas hadda la xiray baaritaan lagu sameeyeyna lagu ogaaday in wax dhibaato ah uusan ku howlaneen sidoo kale uusan wadanin wax qarxa balse laamaha amniga ay su,aalo ay sii waydiinayaan.
“Maalinimadii sabtiga aheyd, waxaa la qabtay nin ajnebi ah oo watay boorso laga shakiyay, weli waxaan wadnaa baaritaan wixii kasoo baxana waan idiin la wadaagi doonaa” ayuu sheegay Wasiir Oomaar.
Uga dambayntii Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in Howlaha garoonka sidiisii ay u soconayaan wax cabsi ahna ku beeraynin wixii dhacay.