Wararka Soomaalida
Wasiir Oomaar oo ku dhawaaqay in uu musharax yahay
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdulaahi Salaad Oomaar ayaa ku dhawaaqay in uu Musharax Madaxweyne u yahay Maamulka Jubbaland. Wasiir oomaar oo bilooyinkii la soo dhaafayba la hadal hayey in uu u sharaxan yahay xilka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu u sharaxan yahay xilkaas. Doorashada […]
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdulaahi Salaad Oomaar ayaa ku dhawaaqay in uu Musharax Madaxweyne u yahay Maamulka Jubbaland.
Wasiir oomaar oo bilooyinkii la soo dhaafayba la hadal hayey in uu u sharaxan yahay xilka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu u sharaxan yahay xilkaas.
Doorashada Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa waxaa lagu wadaa in ay dhacdo bisha 8-aad ee sannadkan 2019ka ee bisha August.
Musharaxiin uu ka mid yahay Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa waxay ku sugan yihiin Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose.